Iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland ay si joogto ah u horumarinayso xidhiidhada caalamiga ah, furfurnaanta ganacsi, waxaa markale iftiimay doorka ay ka ciyaarayso dhinaca maalgashiga gobolka Geeska Afrika. Ka-qaybgalka Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, iyo wafti uu hoggaaminayay shir ganacsi oo heer caalami ah oo lagu qabtay magaalada Dubai, Imaaraatka Carabta, wuxuu astaan u yahay dadaalka Somaliland ee ah in ay suuqgeyn ku sameyso fursadaheeda dhaqaale iyo khayraadka qaniga ah ee deegaankeeda, kuwaas oo si looga faa’iidaysto ku habboon maalgelin.
Shirkaasi, oo uu soo qabanqaabiyay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Mudane Mascuud Cabdi Cali, wuxuu isu keenay maalgashadayaal iyo shirkado caalami ah oo ka kala yimid Afrika, Yurub, Aasiya, USA iyo waddamada Khaliijka. Ma aha oo kaliya in laga hadlay fursadaha Somaliland ee la xidhiidha ganacsiga iyo warshadaha, balse waxa uu si qoto dheer u abuuray madal lagu qiimeeyo suurtogalnimada koboca dhaqaale ee Somaliland iyada oo ay hoggaan u tahay xasillooni siyaasadeed, ilo dhaqaale oo weyn , iyo deegaan leh dawladnimo dimuquraadi ah, sharciyad iyo khayraad dihin.
Waxaa xusid mudan in waftiga wasiirka uu ka koobnaa saraakiil sarsare oo ka kala socday Wasaaradaha Maalgashiga iyo Arrimaha Dibadda, iyo sidoo kale ganacsato reer Somaliland ah. Tani waxay tilmaamaysaa isku-xidhnaan siyaasadeed iyo mid ganacsi oo muhiim u ah kobcinta kalsoonida caalamiga ah iyo suuq-geynta dalka.
Ka qaybgalka shirarka noocan oo kale ah waxay Somaliland si8naysaa laba fursadood oo lama huraan ah: in la tuso caalamka kartideeda lagu maalgelin karo, iyo in la helo iskaashi toos ah oo ay la yeelato ganacsatada iyo maalqabeennada caalamiga ah. Waa dhabbaha ugu dhow ee ay dalalka aan wali la aqoonsan sida Somaliland oo kale ay ku hirgeliyaan aragtiyo hal-abuur oo lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo maalgashi sugan.
Maanta, aduunyadu waxay eegaysaa goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland. Sidoo kale xukuumadsa Somaliland waxay si deggan u kasbatay sumcad iyo kalsooni weyn oo caalami ah. Waxaanay xukuumadda cusub ee JSL ay dedaal weyn ugu jirtaa iibgeynta istaraatiijiyadda maalgashi oo xooggan, dhiirrigelin sharci ah, iyo hufnaan ganacsi oo soo jiidata maalgeliyeyaasha.
Haddaba, shirkii Dubai waxa uu ahaa tusaale hor leh oo muujinaya sida Somaliland ay u furfuranayso albaabbada fursadaha caalamiga ah. Xukuumadda Somaliland waxat joogteysay wacyigelinta iyo ka-qaybgalka shirarka noocan oo kale ah, si hawlgaladaas loogu beddelo fursado muuqda, mashaariic wax ku ool ah, iyo shaqo-abuur ballaadhan.