Kulankii dhawaan dhexmaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Xisaabiyaha Guud, iyo Mss. Keiko Nagai oo ah khabiir sare oo ka tirsan Baanka Adduunka ayaa xambaarsanaa muhiimad dhaqaale iyo mid istaraatiiji ah, oo lagu qiimeynayo jihada iskaashiga dhaqaale ee u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adda ugu weyn ee horumarinta adduunka.
In kasta oo uu safarkani mid hordhac u ah wafti ballaadhan oo ka iman doona Baanka Adduunka horaanta bisha August, hadana waxa uu lahaa miisaan gaar ah oo salka ku haya dib-u-eegis iyo qorshe-xeeladaysan oo ku saabsan:
Tani waa fursad aan la iska indho-tiri karin. In Somaliland ay si joogto ah u wada shaqeeyaan laamaha horumarinta caalamka, gaar ahaan Baanka Adduunka, waxay si toos ah u saameyneysaa koboca dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo tayada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Gebogabo:
Kulankan hordhaca ah ee lala yeeshay Mss. Keiko Nagai wuxuu xambaarsan yahay fursad muhiim ah. Waa waajib Qaran in laga faa’iideeyo. Waa in laga dhigo marin uu dalku kaga gudbo caqabado dhaqaale una tallaabo jidka horumar waara iyo iskaashi rasmi ah oo la isku halleyn karo.