Somaliland: Xoojinta Horumarka Halabuurka Ganacsiga Yaryar, Dhexe iyo Iskaashatooyinka

Thursday July 31, 2025 - 13:22:45
hadhwanaagnews
Ujeeddada kulanka ayaa ah in lagu abuuro jawi dhiirrigelin leh,...



Waxaa si wanaagsan uga dhacay hoolka shirarka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska kulan wadatashi oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Horumarinta Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka, kaasoo ka mid ah dadaallada hormarinta ganacsiyada gudaha Somaliland. Kulankan oo qayb ka ah diyaar garowga Maalinta Caalamiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiyada Yaryar iyo Dhexe, ayaa si weyn diiradda loogu saaray sidii loo dhiirrigelin lahaa hal-abuurka ganacsi ee dhalinyarada iyo bulshada inteeda kale.

Ujeeddada kulanka ayaa ah in lagu abuuro jawi dhiirrigelin leh, lana kobciyo fikirrada cusub ee ganacsi si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka, loona yareeyo caqabadaha hortaagan ganacsiyada bilowga ah ee yaryar iyo kuwa dhexe. Waxaa hubaal ah in hal-abuurka noocan oo kale ah uu yahay laf-dhabarta horumarka waara, maadaama uu ka qeyb qaato abuurista shaqooyin, kobcinta dakhliga, iyo hagaajinta nolosha bulshada.

Agaasimaha Waaxda Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka, Mudane Axmed Maxamed Cabdillaahi, oo shir guddoomiyay, ayaa ku guuleystay in lagu gaadho isfaham iyo qorshe cad oo horudhac u ah hawlaha la fulin doono inta ka horeysa xuska rasmiga ah ee 21-ka August. Tani waxay muujinaysaa sida wasaaraddu uga go’an tahay taageerada iyo horumarinta ganacsiyada yaryar, kuwaas oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha qaranka.

Hal-ku-dhigga sannadka 2025, "Horumarinta Hal-abuurka Ganacsatada Yaryar iyo Kuwa Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa ah mid ka tarjumaya himilada iyo dadaalka joogtada ah ee lagu doonayo in lagu gaadhsiiyo ganacsatada gudaha fursado iyo horumar muuqda. Hal-abuurka ganacsi waa furaha kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta tartanka suuqa, waxayna sidoo kale dhiirrigelisaa dhalinyarada inay noqdaan kuwa madax-bannaan oo curiya fursado cusub.

Kulankan wadatashiga ah wuxuu astaan u yahay tallaabooyin waaweyn oo Somaliland ku qaadayso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha iyadoo la xoojinayo awooda ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.

     
Loading...