Somaliland oo Udub-dhexaad u Noqotay Arimaha Amniga iyo Istaraatijiyada Caalamka

Monday August 11, 2025 - 17:32:34
hadhwanaag
Tani waa tallaabo siyaasadeed iyo mid istaraatiji ah oo leh miisaan aad u weyn



Waxaa marag ma doon ah in xaaladda ammaan ee caalamka, gaar ahaan ta gobolka iyo Badda Cas, ay si xawli ah isu beddeli karto, iyadoo la tixraacayo halista sii kordhaysa ee ay kooxaha mintidiinta ah sida Xuutiyiintu ku hayaan marin-biyoodka ganacsiga caalamiga ah, iyo damaca sii fidaya ee dalalka sida Iran, Ruushka iyo Shiinuhu ku leeyihiin Geeska Afrika.

Dhawaan, warbixinno is-daba-joog ah oo ka soo baxay warbaahinta caalamiga ah, gaar ahaan wargeysyada ku takhasusay arrimaha difaaca sida Defence Index, ayaa si cad u muujiyey in Dowladda Mareykanku ay si dhab ah u danaynayso dalab rasmi ah oo ay Somaliland horay u gudbisay, kaas oo la xidhiidha iskaashiga arrimaha amniga iyo ka wada shaqaynta xasiloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay ku dhereran yihiin xeebaha istaraatijiyadeed ee Somaliland.

Tani waa tallaabo siyaasadeed iyo mid istaraatiji ah oo leh miisaan aad u weyn, waana tallaabo ka tarjumaysa aragti dheer oo ay leedahay Somaliland, sidoo kalena ka jawaabaysa baahida dhabta ah ee jirta ee dhinaca amniga gobolka.

Waxaa muuqata in Washington ay dib u eegis ku samaynayso mabda’eeda mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland iyo baahida degdegga ah ee ay u qabto iskaashi dhanka amniga ah oo wax ku ool ah, si loo ilaaliyo danaha istaraatijiyadeed ee Maraykanka ee gobolka.

Somaliland, oo ah dal nabad ah, leh hay’ado shaqaynaya, nidaam dastuuri ah, iyo dad u heelan dowladnimo, waxay si cad u muujisay in ay diyaar u tahay inay kaalin muuqata ka qaadato sugidda ammaanka badda, la dagaalanka argagixisada, iyo ilaalinta xasilloonida caalamka. Ma aha arrin la yareysan karo, haddii Mareykanku si buuxda u tixgeliyo in Somaliland ay tahay xulafada ugu habboon ee lagu tiirsan karo xilligan. Somaliland ayaa haddana noqotay meel ay dunidu si dhab ah u eegayso taas oo ah mid laga dhaxlayo fursad weyn oo diblomaasiyadeed iyo horumar dhaqaale.

Tallaabada ay qaaday Somaliland waa mid farriin cad u diraysa beesha caalamka: Somaliland waa dal mas’uul ah, diyaar u ah iskaashi nabadeed, kuna saleysan dan-wadaag iyo xasilooni waarta.

     
Loading...