Dekeda Berbera oo Noqotay Xarunta Ganacsiga ee Geeska Afrika: Isku Xidhka Jebel Ali iyo Somaliland

Saturday October 18, 2025 - 12:38:27
hadhwanaagnews
Shirkadda DP World ayaa sheegtay in adeeggan cusub uu yahay tallaabo ...



Shirkadda dekedaha caalamiga ah ee DP World ayaa si rasmi ah u daahfurtay istaraatijiyad cusub oo muhiim ah, iyo xidhiidh marin-biyood toos ah, kaas oo si toos ah isugu xidhaya dekedda Berbera ee Somaliland iyo dekedda weyn ee Jebel Ali ee ku taalla Imaaraadka Carabta. Khadkan cusub ayaa ah mid si weyn u xoojinaya isu-socodka ganacsiga iyo Maraakiibta isaga kala gooshta labadan, isaga oo sare u qaadaya fursadaha ganacsi iyo dhaqaale ee gobolka iyo caalamkaba.

Shirkadda DP World ayaa sheegtay in adeeggan cusub uu yahay tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo marinno ganacsi oo casri ah, degdeg ah, ammaan ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo. Waxa kale oo ay tilmaantay in adeeggan uu xoojin doono kaalinta dekedda Berbera, taasoo ay ku ay shirkadda DP Word ku sifaysay in ay tahay Deked muhiim u ah kobaca dhaqaale iyo barwaaqada ee Bariga Afrika.

Madaxa Fulinta ee Shirkadda DP World ee Geeska Afrika Mr. Supachai Wattanaveerachai ayaa sheegtay in furitaanka marinkan cusub ee ganacsiga Jabal Ali iyo Berbera uu leeyahay saameyn dhaqaale oo ballaadhan iyo mid bulsho labadaba, waxaanu yidhi "Furitaanka marinkan cusub waa guul taariikhi ah oo ka mid ah himiladeenna ah in aannu dhisno waddooyin ganacsi oo dhakhso badan, ammaan ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo. Waxa ay muujinaysaa sida ay nooga go’ntahay in aannu abuurno fursado dhaqaale oo macno leh oo faa’iido u leh ganacsiyada iyo bulshada gobolka. Adeeggan cusub wuxuu sii xoojin doonaa kaalinta Berbera oo ah marin muhiim u ah koboca iyo barwaaqada mustaqbalka Bariga Afrika.”

Dhinaca kale, Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa isna ka hadlay horumarkan cusub, isagoo sheegay in dekedda Berbera ay sannadihii u dambeeyay samaysay horumar ballaadhan, taasoo keentay in shirkado badan oo ka shaqeeya gaadiidka badda ay xiiseeyaan isla markaana ay si weyn ugu soo hirtaan dekedda caalamiga ah ee Berbera.

"Dekedda Berbera muddo dheerba waxaa ka socday horumar isdaba joog ah. Khadkan cusub ee maraakiibta tooska ah ee u kala gooshaya Jebel Ali iyo Berbera wuxuu qayb ka yahay kobacaas. Waa adeeg cusub oo aan hore u jirin, imikana si joogto ah uga shaqaynaya labada dekedood,” ayuu yidhi Maareeye Cali Diiriye.

Wuxuu intaas ku daray in qorshahan ay iska kaashadeen maamulka dekedaha Somaliland iyo shirkadda DP World, ka dib markii daraasado cilmiyeed lagu ogaaday baahida loo qabo in la yareeyo maraakiibta shixnadaha la soo mara dekedo badan ka hor intaanay Berbera iman.

"Waxaanu ogaanay in loo baahan yahay in la yareeyo wakhtiga iyo kharashka ku baxa badeecadaha. Khadkan cusub wuxuu meesha ka saaray baahida loo qabay in alaabooyinka iyo badeecaduhu ay maraan dekedo badan sida Jeddah iyo Jabuuti. Hadda, si toos ah ayay uga imanayaan Jebel Ali, waxayna si dhaqso ah u gaadhayaan Berbera,” ayuu yidhi.

Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland,Cali Diiriye Axmed, ayaa si gaar ah u tilmaamay inkhadka cusub ee maraakiibta tooska isugu xidhaya Dekedda Jebel Ali ee Imaaraadka iyo Dekedda Berberauu yahay talaabo istaraatiiji ah oo meesha ka saaraysa caqabadihii waaweynaa ee ganacsatada soo wajihi jiray, waxaanu yidhi "Qorshahani wuxuu ku yimid iskaashi muddo socday oo dhex maray maamulka dekedaha Somaliland iyo shirkadda DP World. Ujeeddadu waxay ahayd in la fududeeyo howlaha ganacsiga iyo shixnadaha dekedda mara. Daraasad aannu samaynay ayaa muujisay in ay daruuri tahay in la yareeyo alaabaha iyo shixnadaha mara dekedaha kale ka hor inta aanay iman Berbera.”

Maareeyaha oo ka hadlaya faa’iidooyinka uu khadkani u leeyahay Dekedda Berbara waxa uu tilmaamay in uu yahay mid wax weyn ka beddeli doona habka ganacsi ee gobolka. Waxaanu yidhi "Faa’iidooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ah in waqtigii shixnadaha lagu keeni jiray uu si weyn u yaraaday, ilaa 60% ayaa la dhimay. Sidoo kale, waxa uu kordhinayaa awoodda dekedda Berbera, wuxuuna soo jiidanayaa ganacsato hore uga adeegan jiray dekedo kale. Waxa kale oo ay fursad weyn u tahay dalalka jaarka, sida Itoobiya, oo aan deked rasmi ah lahayn, iyaguna waxay si toos ah uga faa’iideysan karaan adeeggan.”

Maareeyuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in horumarkan cusub uu muhiim u yahay istaraatijiyadda ballaadhan ee Somaliland ee ku aaddan in dekedda Berbera noqoto xarun ganacsi oo heer gobol ah, isla markaana ay qeyb libaax leh ka qaadato kobaca dhaqaalaha gobolka.

     
Loading...