Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiy Midowga Yurub,Ambassador Kaysar Cabdillaahi Maxamed, ayaa shaaciyay in dalal badan oo ka tirsan beesha caalamku ay si isa soo taraysa u muujinayaan xiisaha ay u qabaan inay la shaqeeyaan Somaliland, taasoo ka tarjumaysa sumcadda sii kobcaysa ee Somaliland ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.
AmbassadorKaysar Cabdillaahi Maxamed, oo waraysi gaar ah siiyayWargeyska Dawan, wuxuu carabka ku adkeeyay in dedaallo badan oodiblomaasiyadeed iyo kuwo horumarineed ba ayka socdaan qaaradda Yurub, isla markaana Somaliland ay si gaar ah xooga u saarayso sidii ayMidowga Yurub uga heli lahayd taageero muuqataoo la xidhiidha mashaariicda horumarinta gudaha dalka iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed.
"Somaliland sumcad weyn ayay ku leedahay caalamka, dalal badan ayaa usoo jeedsaday oo doonaya inay la shaqeeyaan Somaliland. Waxaanu wadnaa shaqooyin diblomaasiyadeed oo badan, dadaalo badan oo kala duwan ayaa socda, hawlo badan oo kala duwan ayaanu ka wadnaa Yurub, waxaana aanu wadnaa shaqo diblomaasiyadeed oo warbaahinta aan loogu talogalin, waana arrimo muhiim ah oo socda,” ayuu yidhi Ambassador Safiir Kaysar.
Danjrie Keysar waxa uu xusay in shaqada ay safaaraddu ka hayso Yurub ay tahay mid la taaban karo, isla markaana ay heleen fursado waaweyn oo muhiim ah, isla markaan ay si joogto ah ula kulmaan masuuliyiin heer sare ah oo ka tirsan Midowga Yurub, kuwaas oo si togan u eegaya xaaladda Somaliland. Waxa uu tusaale u soo qaatay booqashadii ugu dambeysay eexildhibaanada Baarlamaanka Yurub, kuwaas oo si weyn u danaynayay la macaamilka Somaliland. "Labada arrimood ee aanu xoogga saarnay Midowga Yurub waxa weeye: sidii Midowga Yurub caawimo uga geysan lahaa arrimaha horumarka ee ka socda dalka, iyo sidii saaxiibo diblomaasiyadeed loogu samayn lahaa Somaliland,” ayuu yidhi Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiy Midowga Yurub,Ambassador Kaysar Cabdillaahi Maxamed.
Ambassador Kaysar wuxuu sidoo kale xusay inisbedelkii dimuqraadiyadeed ee dhawaan ka dhacay Somaliland, gaar ahaan doorashadii madaxtooyada ee 2024, ay ahayd mid fure u noqotay in beesha caalamku si dhab ah u fahanto kartida Somaliland u leedahay in ay ka mid noqoto dalalka lagu kalsoon yahay.
Ambassador Kaysar oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Doorashadii u dambeysay oo si habsami leh u qabsoontay, iyadoo Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha cusub Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ay si nabad ah isugu wareejiyeen talada, waxay ahayd arrin caalami ahaan indhaha dunida ku soo jeedisay Somaliland.Somaliland-na waxay kasbatay soo dhawayn iyo ixtiraam caalami ah, iyada oo lagu bogaadiyay isbeddellada dimuqraadiyadeed ee mar walba ka dhaca gudaha dalka.”
Marka la eego xaaladaha cakiran ee siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, Safiir Kaysar wuxuu sheegay in Somaliland ay tusaale cad u tahay arrimahaxasiloonida, degenaanshaha, nabadda, iyo dimuqraadiyadda,taasoo ay tahay in laga faa’iideysto. Waxaanu yidhi "Arrintan doorashadu waxay albaabo badan u furtay Somaliland. Marka la eego gobolka aynu ku noolnahay ee Geeska Afrika, oo ay ka taagan yihiin dhibaatooyin dhinaca dimuqraadiyadda iyo amniga ah, Somaliland way ka dhex iftiimaysaa mandaqada ay ku taallo.
Maanta dunidu Somaliland way u soo jeedsatay. Cid walba waxay dareemaysaa siyaasadda deggan ee ku dhisan nabadda iyo hogaaminta mas’uuliyadda leh ee dalka jihaynaysa. Waxa aannu aaminsanahay in deriskeenna aynu kula noolaano nabadgelyo. Sidoo kale, mar walba diyaar ayaanu u nahay in aanu iska difaacno cid kasta oo farogelin ama khatar ku ah madax-bannaanideenna.”
Ambassador Kaysar Cabdillaahi wuxuu warbixintiisa ku soo afmeeray in Somaliland ay fursad weyn haysato maanta, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in fursadahaasi loo isticmaalo sidii loo heli lahaa iskaashi buuxa oo ay Somaliland si rasmi ah ugu biirto bulshada caalamka. Waxaanu yidhi "Somaliland way maanta haysataa fursad weyn oo caalami ah, iyada oo ay dunidu si weyn ugu soo jeedsatay. Cid walba waxay dareemaysaa siyaasadda deggan ee ku dhisan nabadda iyo hogaaminta mas’uuliyadda leh ee dalka jihaynaysa. Waxa aannu aaminsanahay in deriskeenna aynu kula noolaano nabadgelyo. Sidoo kale, mar walba diyaar ayaanu u nahay in aanu iska difaacno cid kasta oo farogelin ama khatar ku ah madax-bannaanideenna.”