Xoojinta Tayada Xogta Waxbarashada: Aasaaska Horumarka Waxbarashada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

Thursday July 31, 2025 - 13:20:45
hadhwanaagnews
Waxa mudan in la bogaadiyo doorka ay arrintan ka qaateen



Muddadii uu socdayshirka qiimaynta iyo dood-wadaagga nidaamka maamulka xogta Waxbarashada (Education Management Information System EMIS), ayaa ah dhacdo u marag furaysa in Somaliland ay si dhab ah ugu talaabsanayso dhismaha nidaam waxbarasho oo ku salaysan xog ogaalnimo, hufnaan, iyo go’aan qaadasho ku qotonta cilmi. Shirka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa noqday madal lagu lafa guray xogaha waxbarasho ee laga soo ururiyay dalka oo dhan, laguna falanqeeyay caqabadaha, horumarka iyo fursadaha ku gedaaman nidaamka xog-ururinta ee EMIS.

Waxa mudan in la bogaadiyo doorka ay arrintan ka qaateen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, Wasiiru-dawlaha Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul), Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, agaasimeyaasha waaxyaha, guddoomiyeyaasha waxbarashada ee gobollada iyo degmooyinka dalka iyo khubarada xog ururinta. Ma ahayn oo kaliya dood-wadaag caadi ah, balse waxa uu ahaa hannaan wada tashi iyo aragti is-weydaarsi ah oo horseedi kara isbeddel dhab ah oo si joogto ah ula jaanqaadaya tayada waxbarashada Somaliland.

Waxa si qoto dheer loo falanqeeyay xogta la ururiyay, korodhka ardayda sannadihii u dambeeyay, iyo caqabadihii ku xeernaa hanaanka xog ururinta. Waxaa xusid mudan in la soo bandhigay xalal waara oo lagu wajahayo caqabadahaas, taas oo muujinaysa in kulanka aanu ku koobnayn kaliya aqoonsiga dhibaatooyinka balse uu yahay mid lagu dhisayo qorshe wax ku ool ah oo la taaban karo.

Gunaanadkii kulanka, Agaasimaha Guud Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi waxa uu si milgo leh ugu mahadnaqay dhammaan ka qaybgalayaasha, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayaynta xogta si loo helo nidaam waxbarasho oo ku dhisan caddeyn, isla xisaabtan iyo hufnaan.

Waxaa laga bartay in EMIS-ka aanay ahayn kaliya kayd xogeed, balse uu yahay laf-dhabarta qorsheynta iyo horumarinta waxbarashada. Nidaam xogeed oo adag ayaa horseedi kara go’aan sax ah, maamul hufan, iyo adeeg waxbarasho oo la jaan qaadaya baahiyaha bulshada.

Sidaa awgeed, Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa sii xoojiso kaabayaasha farsamo ee EMIS-ka, waxa ay ku salaynaysaa xoojinta tababarada shaqaalaha xog ururinta, dhiirrigelinta wada shaqaynta gobollada iyo hay’adaha la shaqeeya.

Xogogaalnimada iyo helida xog sax ah ayaa saldhig u ah horumar kasta oo waara, waana tiirka ugu weyn ee lagu saleeyo go’aan qaadashadxa, horumarinta iyo jaangonta wax kasta, haddii aan xog sugan la hayn, lama gaadhi karo horumar dhab ah.


 
     
Loading...