Somaliland oo Fursadaheeda Dhaqaale Ku soo Bandhigtay Imaaraadka Carabta iyo Safarka Wasiirka Tamarta ee Dubai

Saturday July 05, 2025 - 13:55:07
hadhwanaagnews
Socdaalkan ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii fursadaha



Imaaraadka Carabta – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu muujinayo sida Somaliland ay diyaarka ugu tahay inay fursadeeda dhaqaale u iibgeyso suuqyada caalamiga ah, arrintan ayaa ah mid muujinaysa horumarka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay xukuumadda wax-qabad iyo wada-jir, meelaha ay diirradda saarayso xukuumaddu iyo dariiqyada loo marayo koboc dhaqaale iyo aqoonsi buuxa.

 

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo wasaaradda ka tirsan, ayaa socdaal shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalooyinka Dubai, Abu Dhabi iyo Sharjah, halkaas oo uu kula kulmay shirkado waaweyn iyo maalgeliyeyaal caalami ah.

 

Socdaalkan ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii fursadaha maalgashi ee Somaliland looga dhaadhicin lahaa hay’adaha iyo shirkadaha khibradda leh, gaar ahaan kuwa ku hawlan tamarta, macdanta, saliidda iyo gaaska dabiiciga ah (hydrocarbons).

 

Xulashada Imaaraadka Carabta – Istaraatiijiyad Xeel dheer

 

Imaaraadka Carabtu waa xarun ganacsi iyo maalgashi oo muhiim ah, gaar ahaan Dubai iyo Abu Dhabi, kuwaas oo hoy u ah shirkado waaweyn oo maalgashadayaal caalami ah. Socdaalkaas wuxuu muujinayaa in Somaliland si miyir leh u dooratay waddan saameyn leh oo ay ka heli karto taageero dhaqaale iyo farsamo. Tusaale ahaan, shirkadaha Mubadala, BB Energy, Skyline, Masdar iyo Tech City waa maalgeliyeyaal caalami ah oo khibrad u leh saliidda, gaaska iyo tamarta kale ee la cusboonaysiin karo.

 

Bandhigga Fursadaha Somaliland – Isku xidhka Faa’iidooyinka Istiraatiijiga ah

 

Wasiirku wuxuu si wanaagsan u dajiyay dood ku saleysan:

 

Nabadgelyada, xasilloonida iyo amniga Somaliland ee cagaha adag ku taagan tan iyo markii ay dib ula soo noqotay Somaliland madax-bannaanideeda sannadkii 1991.

Dimuqraaddiyadda la xaqiijiyey ee ka taabbogashay Somaliland iyo doorashooyinka xorta ah ee ay marti geliso oo xukunkana la iskugu wareejiyo hab nabadgelyo ah.

Suuqa xorta ah: Wasiirku waxa uu soo bandhgiay Suuqa dhaqaale ee furan ee ka jira Somaliland, sharciyaynta dhiirrigelinta maalgashiga.

Hodantinimada kheyraadka dabiiciga ah, Wasiirku waxa uu shirkdahan caalamiga ah u soo bandhigay Kheyraadka dabiiciga ah ee ay hodanka ku tahay Somaliland.

Iyo Goobta juqraafiyeed ee istaraatiijiga ah ee Somaliland oo u dhow suuqyada waddamada Khaliijka, iyadoo laga faa’iidaysanayo horumarka ka socda dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor oo muhiimad ballaadhan u leh mandaqada.

Fursadaha Shidaalka iyo Macdanta – Jawi Cusub oo Furan

 

U sheegidda shirkadaha sida Mubadala in ay jiraan "blokyo shidaal” oo diyaar u ah maalgashi, waxay dhisaysaa jawi hufan oo lagu kasban karo kalsoonida maalgashadayaasha. Waxaana la dareemayaa in Wasaaraddu ay u diyaar garoobayso inay si rasmi ah u maamusho qaybaha saliidda iyo gaaska iyadoo ilaalinaysa xuquuqda qaranka.

     
Loading...