Xoghayaha Guud ee Ururka UNPO ayaa si qoto dheer u bogaadiyay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ku amaanay guulaha muuqada ee ay Somailland ka gaadhay dhinacyada horumarka, dhismaha dawladnimo dimuqraadi ah, iyo himilada joogtada ah ee shacabka JSL ee la xidhiidha mustaqbal xor ah oo ay kaga mid noqdaan beesha caalamka.
Sidoo kale Xoghayaha Guud waxa uu hambalyo u diray Madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Somaliland, isaga oo ku bogaadiyay sannad guurada 65aad ee ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland ee 26-ka June, taas oo ku beegan maalintii Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska 1960-kii, xiligaas oo ay aqoonsadeen in ka badan 30 dal oo dunida ah.
Xoghayaha guud ee ururka UNPO oo ah madal caalami ah oo u dooda xuquuqda waddamada aan la aqoonsan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay garwaaqsadeen adkaysiga iyo guulaha dimuquraadiyadeed ee Somaliland "Waxaan si qoto dheer u garwaaqsanaynaa dadaalka iyo adkaysiga shacabka Somaliland ee dhismaha dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xasilloonida muddada dheer.
Waxaan qirayaa dadaalka joogtada ah ee shacabka Somaliland, kuwaas oo ku dhisey hay’ado dimuqraadi ah oo shaqeynaya, isla markaana u hibeeyey naftooda sidii ay u gaadhi lahaayeen nabad iyo aqoonsi caalami ah.”
Xoghayaha Guud oo ka hadlayay warqad rasmi ah oo uu diray madaxweynaha Somaliland ayaa yidhi "Si loo xuso taariikhdan muhiimka ah (26 June), xoghayaha Guud ee UNPO wuxuu warqad rasmi ah oo hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku amaanay himililada qotada dheer shacabka Somaliland.”
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray "Somaliland waxay ka mid tahay bulshooyinka waayo-aragnimadooda, aragtidooda, iyo hoggaamintoodu ay kaalin muhiim ah ka ciyaari karto qaabeynta dariiqyo cusub oo la xidhiidha hannaanka dawlad dhiska ee dunida, taas oo si degdeg ah isu beddeleysa,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud. Waxaanu intaasi raaciyay "Go’aankooda iyo adkaysigoodu, wuxuu ka tarjumayaa qiyamka uu UNPO ku dhisan yahay.”