Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan, oo ah muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay si xor ah ugu soo laabtay dalkiisa hooyo kadib muddo 11 sanno ah oo uu ku xidhnaa dalka Jabuuti. Sii dayntiisa ayaa timid kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo uu qaaday Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo si rasmi ah ugala hadlay sii daynta muwaadinka madaxda dalka Jabuuti.
Cabdillaahi oo la xidhay sannadkii 2014-kii, ayaa lagu sii daayey dadaalka ay qaybta libaax ka qaadatay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Amb. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa si rasmi ah dalka Jabuuti uga soo ambabixiyay muwaadinka, kaas oo shalay galab ka soo degay madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyay munaasibaddii soo dhawayntiisa ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uga mahad naqay dedaalkii geliyay in uu xorriyadiisa dib u helo, waxaanu yidhi "Waxaan mahadnaq u diyaraa madaxweynahayga Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo Illaahay khayr ha siiyee isagu markii ugu horraysay bilaabay in uu ka hawl-galo siidayntayda oo dedaal badan galiyay, Illaahayna dedaalkiisu u suuro geliyay oo aan maanta xorriyaddii helay, markaa hambalyo iyo bogaadin ayaan u diyaraa Madaxweyne Cirro, sidoo kale waxaan u mahad naqayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay madaxweynaheena iska kaashadeen hawshaas Illaahayna u fududeeyay”
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL Mudane Fu’aad Axmed Nuux, Badhasaabka gobolka Gabilay Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh) iyo mas’uuliuiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa Cabdillaahi Sheekh si diirran ugu soo dhaweeyay madaarka diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, Muwaadin Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan waxa iyaguna soo dhaweeyay xubno ka tirsan qoyskiisa, asxaab, iyo dadweyne kale oo tiro badan. Ehelada soo dhawaysay ayaa ayaa si weyn u muujiyey farxadda ay u qabaan soo laabashada Cabdillaahi, iyaga oo tilmaamay in ay tani tahay guul u soo hoyatay muwaadiniinta Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Madaxweyne Cirro oo arrintan si gaar ah uga shaqeeyey ayaa lagu ammaanay dedaalka uu geliyey xaqiijinta xoriyadda iyo sii daynta muwaadinkan reer Somaliland ee muddada dheer ku xidhnaa dalka Jabuuti, sidoo kale waxa ay madaxweynaha qaranka ku ammaaneen dedaalkiisa la xidhiidha