Taliyayaasha ciidamada Milateriga iyo Booliska Jamhuuriyadda Somalialnd ayaa ku soo dhaweeyey magaaalada Wajaale ee xuduudka labada dal Saraakii ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya.
Kulan mihiim ah oo ay ka qayb-galeen taliyayaasha ciidamada booliska, milateriga JSL iyo Janaraalo uu hoggaaminayay taliyaha hawl-gelinta ciidamada milateriga Itoobiya, oo ay ka mid yihiin Koomishaneerka ciidamada DDS, taliyaha iyo ku xigeenka aagga Herergee ayaa ka dhacay magaalada Gabiley.
Kulankan ayaa intii uu socday diirrada lagu saaray arrimaha nabadgelyada guud iyo xoojinta wada shaqaynta labada dowladood si loo sugo amniga iyo xasiloonida gobolka.
Sidoo kale waxa intii kulankani socday lagaga wada hadlay dagaaladii ka dhacay degaanka Dacawaley ee deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDS) iyo xaaladda nabadaynta ee halkaas ka socota.
Sidoo kale, intii kulankani socday ayaa dhinacyadu waxay isla qaateen in la dardargeliyo wada shaqaynta labada dhan sidii loo xoojinlahaa, mudnaan gaaraana loo siin lahaa ammaanka iyo nabadgelyada xuduudaha labada dal.
Kulankan waxa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Gabiley iyo saraakiil sar-sare oo ka socday ciidamada Itoobiya iyo Somaliland.