"Somaliland:- Waa Qaran ku Dhisan Waayo-aragnimo, Himilo Fog iyo Nidaam Dimuquraadiyad ah!"

Monday June 09, 2025 - 12:52:54
hadhwanaagnews
Somaliland waxay leedaha waayo-aragnimo taariikheed.....


Mabaadi’da iyo Himilada Madaxweynaha Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga, dawlad-dhiska, nabadda, horumarka, sinnaanta, iyo madax-bannaanida

Jamhuuriyadda Somaliland, waa dawlad madax-bannaan oo muddo ka badan soddon sanno si hufan ugu taagnayd dhabbaha horumarinta iyo dhismaha dawladnimadeeda dimuquraadiga ah, waxay si joogto ah u muujisay in ay tahay qaran sugan, oo leh hannaan dimuqraadi ah, iyada oo iskeed u dhisatay dawladnimo casri ah oo lagu saleeyay dhaqankeeda, diinteeda, iyo waayo-aragnimadeeda taariikheed.

Somaliland waxay leedaha waayo-aragnimo taariikheed oo mug wayn, taas oo la xidhiidha dib u dhiska iyo hirgelinta dawladnimo shaqaynaysa, waxaanay Somaliland faham qoto dheer u leedahay casharradii laga bartay burburka iyo qalalaasaha hadheeyay dawladaha Geeska Afrika, taas oo ay beesha caalamka kaga caawin karto sidii dawladnimo sax ah loogu dhisi lahaa dalalka burburay.

Somaliland waxa ay abuurtay nidaam dawladeed oo is waafajiya dimuqraadiyadda, diinta Islaamka, iyo dhaqankeeda soo jireenka ah, taas oo keentay in dalkani yeesho hannaan dawladnimo oo hufan, nabad, kala dambayn, iyo koboc dhaqaale oo baaxad weyn leh, isla markaana uu noqdo iftiinka dimuquraadiyadda Afrika.
"Somaliland waxay dhisatay dhaqaale si caafimaad qaba u koraya iyo kaabayaal muhiim u ah horumarka dalkeeda,” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar uu ka hadlay sida adduunku ugu baahan in uu ka faa’iidaysto waayo-aragnimada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa waxqabad iyo wada-jira ayaa muujiyay in Somaliland diyaar u tahay kuna hanwayntahay ka qaybgalka masraxa siyaasadda ee gobolka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha amniga, ganacsiga iyo is-dhexgalka dhaqaalaha, iyadoo dhinaca kale diyaar u ah wada-shaqayn caafimaad qabta oo ay la yeelato waddamada deriska iyo beesha caalamka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka dabiiciga ah ee ALLE ku manaystay dhulkan istiraatiijiga ah.

Muddadii yarad ee ay talada dalka haysay xukuumadda waxqabad iyo wadajir iyo dedaaladii badnaa ee la sameeyay ayaa keentay in dalal badan oo adduunka ahi in ay durba garawsadaan in danahooda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ay la wadaagi karaan Somaliland, taasoo tilmaamaysa in qaddiyadda aqoonsigu ay tahay arrin diyaar ah oo wakhtiga uun sugaysa.

Sidaa darteed, Somaliland waxa ay dunida u sheegaysaa hal xaqiiqo: Qaranimadeedu waa mid dhab ah, halgan iyo himilo ku dhisan, una qalma in si buuxda loo aqoonsado.

Mabaadida guud iyo Himilada Madaxweynaha Somaliland:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sida ka muuqata haddaladiisa iyo dedaalada uu sameeyay ayaa si cad u qeexaya aragtidiisa siyaasadeed iyo mabaadi’da uu ku hagayo qaranka. Kuwaas oo muujinaya aragti qotodheer oo sal u ah dhismaha qaran dimuqraadi ah, dal isku filan, una diyaar ah inuu dunida la jaanqaado.
Aqoonsiga Caalamiga ah:

Madaxweynaha Somaliland waxa uu si joogto ah u muujiyey baahida ay Somaliland u qabto in la aqoonsado. Aragtidiisu waa mid salka ku haysa xaq-dhowr, sinnaan, wadajir iyo ilaalinta qarannimada JSL. Sidoo kale wuxuu beesha caalamka ku booriyay marar basdan in ay fursad u arkaan Somaliland oo ah dal si nabad ah isu maamulay, isla markaana ku dayasho mudan iyo in laga barto dhismaha dawladnimada burburtay ee gobolka.
Horumarinta Dhismaha Dawlad-nimo:

Madaxweynaha wuxuu xoojiyay kor u qaadista hannaanka dawladnimo ee Somaliland oo ah mid u gaar ah oo ay ku dhistay dedaalkeeda shakhsiga ah: kaas oo ah nidaam isku dhafan oo waafaqsan diinteeda Islaamka, dhaqankeeda iyo hannaanka dimuqraadiga ah.

Xidhiidhka Deriska iyo Caalamka:

Madaxweynaha JSL wuxuu caddeeyay in Somaliland tahay dal furfuran, nabad ah, diyaarna u ah inay la falgasho deriskeeda iyo caalamka si waafaqsan maslaxadda guud.

Dhaqaale iyo Horumarka Bulsho:

Madaxweynaha Somaliland waxaa ka go’an in dalka JSL uu ka ganoqaado nidaam hufan oo la xidhiidha koboc dhaqaale oo muuqda, iyadoo la dhisayo kaabayaal waaweyn oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, sida wadooyinka, isbitaalada, iyo waxbarashada.

Qaranimada iyo Madax-bannaanida:

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku adkaystay in qaranimada Somaliland ay tahay xaq lama taabtaan ah. Isaga oo sheegay in Somaliland ay gacanta ku hayso dhulkeeda, hawadeeda iyo baddadeeda ba, isla markaan aanay jirin cid kale oo la wadaagta maamulkeeda. Wuxuu sidoo kale ku celceliyey in ay waajib qaran tahay difaaca madax-bannaanida iyo dhaxal u dhigista ubadka mustaqbalka ee dalka.

Gunaanad:

Mabaadi’da Madaxweynaha Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga, dawlad-dhiska, nabadda, horumarka, sinnaanta, iyo madax-bannaanida waxay u taagan yihiin aragti qaranimo oo dhab ah. Waa dhabbaha ay Somaliland ku kasban karto ixtiraam caalami ah, waxayna muujinayaan in madaxnimada iyo mas’uuliyadda dawladnimo laga dhaxlay halgan, lagana dhaxli doono himilo.
     
Loading...