Maaha oo keliya kulan ciyaareed saaxiibtinimo; waa tallaabo...
Safarka ciyaareed ee ay magaalada Hargeysa ku yimaadeen laba kooxood oo kubadda cagta ah, kuwaas oo ka kala socda degmada Hadaaftimo iyo magaalada Badhan ee gobolka Badhan, ayaa noqday tusaale muuqda oo ka tarjumaya sida ay ciyaaruhu kaalin muhiim ah ugu leeyihiin horumarinta bulshada, dhiirrigelinta is-dhexgalka jiilka cusub, iyo xoojinta midnimada qaranka iyo dhallinyarada reer Somaliland.
Safarkan ciyaareed ayaa imanaya xilli ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu, ay xoogga saarayaan sidii loo kobcin lahaa kaabeyaasha ciyaaraha dalka iyo sidii fursado loo siman yahay loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku kala nool gobollada dalka oo dhan.
Waxaa mudan in la xuso in Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), uu si diirran u qaabilay labada kooxood, iyada oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale sida Badhasaab Ku xigeenka Badhan, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha. Tani waa markhaati cad oo muujinaysa sida ay xukuumaddu uga go’an tahay hirgelinta siyaasadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee ku dhisan Wada-jir iyo Wax-qabad.
Maaha oo keliya kulan ciyaareed saaxiibtinimo; waa tallaabo xeel dheer leh oo kor u qaadaysa midnimada iyo wadajirka qaranka Somaliland, sidoo kale waa tallaabo xoojinaysa is-dhexgalka bulsho iyo isu-soo dhawaanshaha dhallinyarada gobollada kala duwan. Waxaa la odhan karaa: ciyaaraha Somaliland waxay noqdeen buundo lagu xoojinayo wada noolaanshaha, nabadda, iyo is-aaminaadda ka dhaxaysa bulshada Somaliland.
Dhallinyarada reer Hadaaftimo iyo Badhan ee safarka ciyaareed ku yimid caasimadda waxa ay ina tusayaan in mustaqbalka Somaliland uu u dhowyahay jiil is-jecel, is-ixtiraama, kana go’antahay in ay si nabad ah uga wada qayb qaataan horumarka waddanka.
Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland waxay abuurtay saaxad hufan oo wax ku ool ah oo lagu dhisayo kalsoonida dhallinyarada, is-dhexgalka iyo saaxiibtinimada da’yarta, isla markaana lagu kobcinayo wacyiga bulshada ee ku aaddan nabadda, wada-noolaanshaha, iyo wada-jirka qaran.
Waa tallaabo dhiirrigelin mudan, taasoo rajo cusub gelinaysa dhallinyarada ku nool deegaannada fog ee ay mararka qaar ka muuqato baahi dhinaca fursadaha horumarineed iyo is dhexgalka qaranka. Kooxahan ka kala yimid Hadaaftimo iyo Badhan, ayaa intii ay joogaan caasimadda Hargeysa, la filayaa inay yeeshaan ciyaaro saaxiibtinimo oo lagaga gol leeyahay xoojinta isku xidhnaanta iyo horumarinta xirfadooda ciyaareed.
Ugu dambayn, waxa loo baahan yahay in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay noqdaan kuwo joogto ah, islamarkaana ay dowladdu iyo qaybaha kale ee bulshada si wada jir ah uga shaqeeyaan kobcinta ciyaaraha iyo dhallinyarada.