Golaha Guurtida oo Guddi u saaray Xeerka Laanta Socdaalka Somaliland

Tuesday June 10, 2025 - 09:57:07
hadhwanaagnews
Sidoo kale Mudanayaashu sheegay in arrntani wax weyn ka tareyso


Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta waxay dood ka yeesheen Xeerka Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha Dalka, Xeer lr-109/2025.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirguddoominaayey Guddoomiyaha Golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dood ka yeeshay ahmiyada uu u leeyahay dalka, xeerka Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha ee Dalka.

Mudanayaashii dooddaasi ka qaybqaadanaayey oo isku aragti dhadhawaa, waxay dooddoodaasi kaga warameen sidii loola socon lahaa shirkadaha iyo shaqsiyaadka wadanka soo galeya, iyagoo mudanayaashu dooddoodaasu ku xusey in la xoojiyo ilaalinta xuduudaha dalka iyo hubinta dadka ajaanibka ah ee Wadanka soo galeya.

Sidoo kale Mudanayaashu sheegay in arrntani wax weyn ka tareyso arrimaha Nabadgelyada ee Dalka iyo xal u helida Dadka ajaanibka ah sifaha sharci darada ah wadanka ku soo gala iyo sidii wax looga qaban lahaa arrintaasi.

Geesta kale, Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland dooddoodaasi ku faahfaahiyeen qoddobada kala duwan ee xeerkaasi ku jira in lagu sameeyo tafsiir sharci, iyadoo laga talo-galenaayo taliyaha Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalinta Xuduudaha Somaliland, wasiirka arrimaha gudaha cidkasta oo khuseyo si loo curiyo xeer dhammeystiran oo ku howlgalaan Ciidankaasi.

Xildhibaanada ayaa soojeediyey in la sameeyo xeer adag oo lagu dhaqo dadka soogalootiga iyo magangeliyo doonka, waxa ay intaas ku dareen in uu xeerkani ku soo beegmey wakhti loo baahna.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi u sheegay in Xeerkaasi ka shirguddoon ahaan ku wareejiyeen Guddi hoosaadka Guddida Nabadgelyadda ee Golahaasi, si ay wax ka beddal iyo kaabis ugu soo sameeyaan xeerkaasi, iyadoo guddidaasi kala qeybqaadan doonaan howsha xeerkaasi Shirguddoonka Golahaasi.

Guddoomiyuhu waxa uu Mudanayaasha Guddi hoosaadka Guddida arrimaha Nabedglyada Golaha Guurtida uu kula dardarmay in ay soo koobaan xeerkaasi, Guddoomiyuhu waxa uu Mudanaaysha Guddidaasi farey in la soo naaqishaan xeerkani , xeerkii hore ee Ciidanka laanta socdaalku hore ugu howlgeli jireen.
Guddoomiyuhu Mudanayaasha Guddi hoosaadka Guddida arrimaha Nabedgelyada waxa uu ka dalbadey in xeerkaasi, dib ugu soo celiyaan Gole weynaha Maalinta Axadda ah ee Toddobaadka soo socda.
     
Loading...