Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL wuxuu sheegay....
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in ay qorsheeyeen in dalka horaanta sannadka 2026ka laga bilaabo shiidaal qodistii ay wadeen laba shirkadood oo caalami ahi.
Wasiirka waxa uu iftiimiyay inay kor u qaadayaan macdan qodista oo uu tilmaamay in meel wacan ay marayso xilligan.
Wasiir Axmed Jaamac Barre wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo ay daabacday warbaahinta St.Vincent Times oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL wuxuu sheegay in la sameeyay sahanno rejo fiican leh oo xaqiijinaya in Somaliland uu ku jiro shiidaal.Waxaanu xusay in la xoojiyay nidaamka Sharciyada Batroolka, Heshiiska Qaabka Wadaagga Wax-soo-saarka (PSA), iyo siyaasadaha taageeraya hawlgallada shiidaalka.
Wasiir Axmed Jaamac wuxuu ka warbixiyay in laba shirkadood oo caalami ahi kala shaqeynayaan Somaliland wax-soo-saarka shiidaalka kuwaasi oo kala ah Genel Energy (UK) iyo RAK Gas (UAE).
Wuxuu intaas ku daray in Genel Energy ay haysato laba aag (blocks) oo ku yaalla bariga dalka. Isla markaana ay dhammaystireen daraasado farsamo oo ballaadhan, oo ay ku jiraan sahanno casri ah oo muujinaya fursado badan oo saliid iyo gaas ah.
Wasiir Axmed Jaamac wuxuu caddeeyay in caqabado amni oo jiray xilligan xukuumaddu xalisay, waxaanu carrabka ku dhuftay in shir ka dhici doona dalka Imaaraadka Carabta bishan June lagu dhammaytiri doono jidwalka sahanka qodista shiidaalka (exploration drilling).
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in shirkadda RAK Gas ay ka hawlgasho aag ku dhow magaalada Berbera, Iyaguna ay dhammaystireen daraasado muujinaya suurtagalnimada in shidaal laga helo goobtaas.
Waxa kaloo Wasiirku xaqiijiyay inay wadaan wadahadallo ku saabsan cusboonaysiinta heshiiskooda iyo bilaabista wejiga sahanka qodista.
Wasiir Axmed wuxuu iftiimiyay in shirkadaha shiidaal qodista ay ku booriyeen inay hawlaha qodista ay bilaabaan horaanta sannadka fooda innagu soo haya ee 2026ka.
Wasiirka oo la weydiiyay in Somaliland ay hoddan ku tahay macdanaha gabaabsiga ku ah dunida sida Lithium-ka, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay qani ku tahay dhinaca macdanaha, waxaannu xusay inay bixiyaan ruqsado kala duwan macdan baadhis ah oo iskugu jira macdanaha yar yar, kuwa waaweyn, ilaa wershadaynta macdanta.
Wasiirka W.Tamarta iyo Macdantu wuxuu sheegay inay macdanta Lithium-ka ruqsad ugu siiyeen shirkad laga leeyahay Taiwan, waxaanu sheegay in shirkadaasi dhammaysay dhinicii sahanka oo ay u gudubtay marxalad wax-soosaar.
Wasiirku Waxa kaloo uu daboolka ka qaaday in ay doonayaan in la xoojiyo maalgelinta macdantaas iyo suurogalnimada inay Somaliland ka dhisaan wershad soo saarta baytariyada Lithium-ka.
Waraysiga waxa qaaday Tafatiraha guud ee warbaahinta St.Vincent Times,Abdul Rafay Afzal.