Mudaharaadyo looga soo horjeedo siyaasadaha Trump oo hareeyey magaalooyin ka tirsan Mareykanka

Monday June 09, 2025 - 15:09:00
hadhwanaagnews
Rabshadaha ayaa la sheegaya in ay billowdeen markii



Mudahaarad rabshado wata oo looga soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ayaa maalintii 3-aadka socda magaalada Los Angels ee gobolka California.

 

Mudaharaadkan looga soo lagu diidan yahay amar ka soo fulay Madaxweyne Trump, kaas oo ciidamada laanta socdaalka iyo furdooyinka Mareykanka ee loo yaqaan ICE lagu faray in ay galaan magaalooyin u kal nugul dadka soogalootiga ah oo Los Angels ka mid tahay.

 

Rabshadaha ayaa la sheegaya in ay billowdeen markii ciidamada ICE ay ku qamaameen goobo shaqo iyo guryo lagu tuhmayey in ay ku dhuumanayeen dadka aan diiwaanka dowladda ku jirin.

 

Dadweyne ka careysan tillaabooyinka lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ah oo badankoodu ka soo jeeda Maxico, ayaa durba billaabay tuuryo iyo gacan ka hadal. Tillaabadan ayaa kallifyay in madaxweyne Trump uu u yeero labo kun oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka siu u ugu maquuniyo dadka isku gudbey raafka.

 

Laakiin waxaa tillaabada ka xanaaqay madaxda Dowlad-goboleedka California oo uu ugu horreeyo guddoomiyah gobolkaas, Gavin Newsom iyo Duqa Los Angels Karen Bass oo madxweynaha ku eedeeyey in xadduudkiisa ka soo tillaabay maadaama uu dalbaday ciidan aan loo baahneyn.

     
Loading...