Donald Trump oo lagu Eedeeyay inuu Afrika u Adeegsaday Meel uu ku soo Tuuro Dambiilayaal

Monday July 28, 2025 - 12:08:36
Donald Trump oo lagu Eedeeyay inuu Afrika u Adeegsaday Meel uu ku soo Tuuro Dambiilayaal


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wajahaya canbaarayn xooggan oo kaga imanaysa kooxaha xuquuqda aadanaha iyo dhaqdhaqaaqayaasha Afrika, kadib markii dowladda Maraykanku ay dalka yar ee Eswatini ku dejisay shan nin oo dambiilayaal ah oo kasoo jeeda dalal kala duwan, kuwaas oo dalalkoodii hooyo diideen in ay dib u qaataan.

Shaqaalaha wasaaradda Amniga Gudaha ee Maraykanka ayaa sheegay in raggan la masaafuriyay ay yihiin dambiilayaal waaweyn oo si xad-dhaaf ah u geystay dembiyo kala duwan kuwaas oo ka soo jeeda Vietnam, Jamaica, Laos, Cuba iyo Yemen, kuwaas oo lagu xukumay dambiyo culus sida kufsi carruureed, dil, iyo falal la xidhiidha budhcadnimo.

Eswatini, oo ah waddanka keliya ee Afrikaan ah ee uu weli xukumo boqor awood buuxda leh, ayaa noqday dalka labaad ee Afrikaan ah ee Maraykanku u diro dambiilayaal uu doonayo inuu ka fogeeyo gudaha Maraykanka, kadib South Sudan oo ay toddobaadyo ka hor lagu dajiyay siddeed qof oo ay dawladda Maraykanku ku tilmaantay in ay yihiin wuxuush.

Sida laga soo xigtay Tricia McLaughlin, kaaliyaha xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka, heshiiska lala galay Eswatini wuxuu qayb ka yahay qorshahayasha Maraykanka ee waddan saddexaad oo lagu beegsanayo dadka ajnabiga ah ee dambiyada galay balse dalalkoodu aanay diyaar u ahayn inay dib u qaataan.

Dhaqdhaqaaqayaasha dimuqraadiyadda ee gudaha Eswatini ayaa tallaabadaas ku tilmaamay ku tumasho madax-bannaanida dadka iyo dalalka Afrika. Wandile Dludlu, oo ah ku xigeenka madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee PUDEMO, ayaa yidhi "Maraykanku wuxuu noo arkaa sidii meel uu ku soo tuurayo qashin, wuxuu noo arkayaa sidii meel lagu soo qubo dambiyada dunida. Wuxuu doonayaa in uu na marin habaabiyo. Ma ogolaan karno in Boqorku ka gorgortamo karaamada shacabka Eswatini.”

Warbixinno madax-bannaan ayaa muujinaya in xabsiyada Eswatini ay markoodii horeba ahaayeen kuwo buux-dhaaf ah, isla markaana ay ka jiraa dhibaatooyin la xidhiidha caafimaadka, nadaafadda, iyo daryeelka maxaabiista. Ururrada rayidka ee maxalliga ah iyo kuwa gobolka, sida Swaziland Rural Women’s Assembly iyo Southern Africa Litigation Centre, ayaa sheegaya inay qaadi doonaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Eswatini.

Trump ayaa dhawaan kulamo la yeeshay madaxda dalal dhowr ah oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan Liberia, Guinea-Bissau, Senegal, Gabon, iyo Mauritania, si uu ugu qanciyo inay aqbalaan qorshayaal la mid ah kuwan oo kale, Ilo-wareedyo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Rwanda ay diyaar u tahay heshiis la mid ah, halka Nigeria ay sheegtay inay diiday cadaadis uga yimid Washington.

Tom Homan, oo ah la-taliyaha socdaalka ee Trump, ayaa sheegay in qorshahani uu yahay mid lagu hubinayo in dambiilayaashu aanay mar dambe ka dhex muuqan waddooyinka Maraykanka.

Eswatini waa dal ku yaalla koonfurta Afrika, oo ay ku nool yihiin qiyaastii 1.2 milyan oo qof, kuwaas oo in ka badan kala badh ay ku nool yihiin wax ka yar $4 maalintii. Boqor Mswati III, oo xukunka hayay tan iyo 1986, ayaa marar badan lagu eedeeyay cabbudhin siyaasadeed iyo musuq-maasuq, halka hantidiisa lagu qiyaasay ilaa nus bilyan dollar.

Dalka ayaa caan ku ah soo saarista sonkorta, taas oo ah qeyb weyn oo ka mid ah dakhliga dhoofinta. Waxaa jira walaac weyn oo ku saabsan sida dambiilayaal qalaad loogu hayo xabsiyo uu durba ka jiro cidhiidh badan isla markaana aanay ka jirin haba yaraatee adeegyo bini’aadantinimo.

Markii ay dowladda Trump bilowday qorshahan cusub ee loogu magacdaray qorshaha waddan saddexaad, waxa ay sare u qaaday su’aalo badan oo la xidhiidha sharcinimada, mas’uuliyadda, iyo anshaxa ka dambeeya masaafurinta dadka dambiilayaasha ah ee loo rarayo waddamo aanay xidhiidh la lahayn.

Dadka iyo hay’adaha Afrikaanka ah ayaa ka digaya in waddamada sida Eswatini ay noqon karaan meel Maraykanku u hoos geliyo dambiilayaal uu iska fogeynayo, taasoo si cad uga hor imaanaysa xorriyadda dalalka, xuquuqda maxaabiista, iyo xeerarka caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

     
Loading...