Qadan Qaran & Goosha Isaaq Oo Hargaysa Lagu Xidhay Iyo Sababta.

Friday August 23, 2024 - 22:11:21
Hadhwanaag
"Saldhiga dhexe ee Hargaysa ayaa hadda la geeyay labadani hablood"




Hargaysa (HWN) Waxa magaalada Hargaysa lagu xidhay Qadan Qaran iyo Goosha Isaaq oo kamid ah hablaha baraha Bulshada caanka ka ah, sida uu Booliska Somaliland ku sheegay war uu baahiyay.

 

Booliska ayaa labadan dumara ku eedeeyay inay faafinayeen kicin dadwayne iyo eedo kale, sida warkan hoose uu ku sheegay Booliska Somaliland.

 

"Ciidanka Booliska JSL  ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Qadan Cabdilaahi Maxamed iyo Ubax Cabdiraxmaan Cumar  kuwaasi  oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaayay aflagaadooyin , kicin dadweyne  iyo dhaqamo xunxun oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqanka  wanaagsan.


Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay labadan eedaysane gacanta kusoo dhigeen , waxaana  degdeg loo horgayn doonaa Hay'addaha garsoorka .


Taliska Ciidanka Booliska JSL  ,waxa uu digniin u dirayaa dadka caadaystay dhaqamada noocan oo kale ah , cidii falalka noocaasa ku kacdana waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan” ayuu lagu yidhi war uu baahiyay Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

 

Xogta aanu helnay ayaa sheegaysa in labadan dumara ee la xidhay ay warbaahinta isku mariyeen saacadihii la soo dhaafay hanjabaado.

 

Saldhiga dhexe ee Hargaysa ayaa hadda la geeyay labadani hablood sida ay xaqiijiyeen illo xogogaal ah.

     
Loading...