Dil-dilaaca siyaasada dunida & dibu ururka Ummadaha Soomaali ma ka faa'idaysan kartaa Qaytii 1aad

Saturday June 14, 2025 - 03:23:10
hadhwanaagnews
Isbeddelka xilligan ku socda siyaasada dunida oo qoddobkaas ka shidaal...



Bina Aadamku waa noole hab bulsho u jira oo fikira taaso qaabaysa hab dhaqankooda guud ee umadnimo oo keenta heerarka kala duwan ee umaduhu ku suganyiin ee dowladnimada loogu yeedho jiritaanka heerarkan kala duwan waa mawaaran isbed-bedesha xaaladanin waa sugaha qaabeyw kor u kaca iyo hoos u dhaca umadaha ku dhacayq siyaasadooda iyo awoododa taaso ay sar goyso hab fakarka guud ee umad leedahay

 

Isbeddelka xilligan ku socda siyaasada dunida oo qoddobkaas ka shidaal qaadanaya ayaa ku dhisan in umaduhu u noqdaan hab fakarkooda asalnimada ku dhisan kaaso keenaya kala soocan umadaha dunida ku dhaca tanina dalalka dunida siyaabo kala duwan ayaa u raadaynaysa oo wadamada umadnimp midaysa aanay jirin way qaybsamayaa oo jiritan mideya helimaayan maadam ay bilaabmayso xagjirnimo umadnimo oo umad waliba asalkeedi u laabanayso waxaan ka dhalanaya in wiiqdo siyaasada dalal waawayn iyo kuwa yar-yarba marba hadday kala umado yihiin xoogananta qoddobkanin wuxuu ka muuqda siyaasada dunida ee xataa dalalka waawayn iyo kuwa yaryar oo xagjirnimo qowmiyi ka bilaabmatay oo gilgilaysa siyaasada dalalkaas si kale hadaan u dhigo umadnimada oo ah dowladnimo dabeeciya oo asal ayaa booskeedi qaadanaysa waxayna riixaysa dowladnimadi casriga loogu yeedhay ee umado kala duwan lagu dhisay qoddobkanina wuxuu dabrayaa oo gudahooda ku dabraya dowladihii doonayay in meelo dhulalkoda ka baxsan ka taliyaan sidoo kale wuxuu duminaya dowladihii umado kala duwan khasab layskugu hayay taas beddelkeda wuxuu caawinaya dowladaha lagu dhisay umadnimo ee ahayn umado kala duwan, Xaaladani waa bilow dunidu dib ugu qaabaysmayso waxayna keenaysa kala xidhan afkaarta iyo fikirkaa oo bina aadamka oo isdhex socda ayaa fikir ahaan u qaybsamaya hab umadahoda ku dhisan taaso meesha ka saaraysa awoodi in raadayso umad kale macnuhu maaha dalal awood wayn jirimayan balse waxay jirayan iyago umadnima gaara ku dhisan oo umado kale u talinayn oo fikir ahaan ayaa diciifayaan kuwii isfidin jirray

 

Umadda Soomaaliyeed waxay leeday dowladnimo dabeeciya oo soomaalinimada ku dhisan taaso burburki ay ku badbaaden walina isku xidhnaanta somalidu umadnimay ku dhisantay waana sababta maamulada kuwa sheegta shicibka u qaybin kari waayan macnawiyan soomaalida oo xaalka ku sugan ayaa xilligu fursad u siinaya in si muuqata u dhisaan dowladnimo ku dhisan umadnimada soomaaliyeed isbeddelka siyaasada dunidu wuxuu keenaya in soomaalidu hesho dowladnimo ka turjunta waxaana abuurmaya xilli cidhbiya cadowga qaybinaya iyo kuwa u adeegaba

 

Isbeddelka dhacayaa wuxuu beddelaya hab fakarka guud ee sidaynu wax u arkaynu wuxuuna qaabaynaya waxa macnaha yeelnaya oo cadowga umadnimada wuu macno tirayaa xataa kuwa umada ka dhashay iyagoon danbi muuqda galin ayaa umadnimada in ka dhanyahay hab fakarkoodu ku macno beelayaan waxaana fursada helaaya kuwa umadnimada u taagan

WQ Mohamed Abdirahman Ibrahim <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...