Wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo madaarada JSL oo lagu soo dhaweeyey magaalada London

Sunday June 15, 2025 - 16:09:08
hadhwanaagnews
Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo madaaradda Somaliland


 Wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo madaarada Somaliland Mudane Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay caasimadda dalka Ingiriiska ee London.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo Madaaradda ayaa waxa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska, iyaga oo kaga hortagey garoodnka diyaaradaha London ee Hitro.

Xubnaha jaaliyadda Somaliland ee soo dhawaynayay wasiirka ayaa sheegay in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan wasiirka, isla markaasina ay garab taagan yihiin inta uu joogo dalka.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo madaaradda Somaliland Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa si mug leh ugu mahadceliyay dhammaan jaaliyadda reer Somaliland ee dalka UK, sida wanaagsan ee ay ugu qaabileen madaarka magaaladda London.

Wasiirka ayaa xusey in ay kullamo kala duwan yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee jaliyadda reer Somaliland inta uu ku sugan yahay dalka Ingiriiska.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo madaarada JSL oo lagu soo dhaweeyey magaalada London.
London (Dawan) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo madaarada Somaliland Mudane Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay caasimadda dalka Ingiriiska ee London.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo Madaaradda ayaa waxa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska, iyaga oo kaga hortagey garoodnka diyaaradaha London ee Hitro.

Xubnaha jaaliyadda Somaliland ee soo dhawaynayay wasiirka ayaa sheegay in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan wasiirka, isla markaasina ay garab taagan yihiin inta uu joogo dalka.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda duulista iyo madaaradda Somalilan Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa si mug leh ugu mahadceliyay dhammaan jaaliyadda reer Somaliland ee dalka UK, sida wanaagsan ee ay ugu qaabileen madaarka magaaladda London.
Wasiirka ayaa xusey in ay kullamo kala duwan yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee jaliyadda reer Somaliland inta uu ku sugan yahay dalka Ingiriiska.
     
Loading...