10 Astaamood Oo Lagu Garto Qofka Maskaxda Fayow

Tuesday June 10, 2025 - 20:29:05
hadhwanaagnews
Waxay u daayaan dadka kale fursad ay dareenkooda ku muujiyaan



Qofka maskax ahaan fayoow oo dabeecad wanaagsan leh waxaa lagu gartaa tilmaamo gaar ah oo ka tarjumaya isku dheelitirnaan, faham bulsho, iyo naxariis. Waa kuwan 10 astaamood oo lagu garto dadka noocaas ah:

1. Waxay amaanaan dadka kale – Markay wanaag arkaan, si daacad ah bay u bogaadiyaan.

2. Nafahooda ma buunbuuniyaan – kuma faanaan waxqabadkooda, waxeyna ka fogaadaan isla-wayni.

3. Weligood wejigooda farxad baa ka muuqata – Qosolkooda iyo dhoolla-caddayntoodu waxay dejisaa qalbiyada dadka kale.

4. Waxay u daayaan dadka kale fursad ay dareenkooda ku muujiyaan – Ma gooyaan hadalka, waxayna qadariyaan codka dadka kale.

5. Si dhab ah bay u dhagaystaan – Ma aha dhagaysi kaliya, balse waa mid leh feejignaan iyo faham.

6. Qosol iyo kaftan wanaagsan bay leeyihiin – Waxay qoslaan iyagoo aan ku jeesjeesin ama dhaawicin dadka kale.

7. Waxay diyaar u yihiin inay caawiyaan dadka kale – Markaad u baahato, waxaad ku ogaan doontaa garabkooda.

8. Talooyinkooda waa kuwa daacad ah oo waxtar leh – Uma hadlaan si ay u muujiyaan kartidooda, balse si ay kuu anfacaaan.

9. Wanaagga waxay u nisbeeyaan cidda mudan – Marna ma lunsadaan xaqa dadka kale, waxayna qadariyaan dadaalka qof walba.

10. Way dhiirrigeliyaan dadka kale si ay u guulaystaan – Guusha dadka kale waxay u arkaan farxad, ma aha tartan.

Hadii aad taqaanno qof leh dabeecadahan, ilaali oo dhawr saaxiibtinimadiisa waa Nimco weyn

Usame Qiyasle

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...