Haweeney Mareykan ah oo lagu helay dambi ah isku Dayga Dilka Ilmo yar oo Muslin ah

Saturday October 04, 2025 - 12:19:45
hadhwanaagnews
Diiwaanada maxkamada oo ay soo xigatay CBS News iyo Fort Worth Star



Haweeney ka soo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay shan sano oo xadhig ah kadib markii ay isku dayday in ay biyo ku qarqiso gabadh 3-sano jir ah oo Muslimad Mareykan ah sanadkii 2024-kii, weerarkaas oo ay mas’uuliyiintu sheegeen in uu salka ku hayay cunsuriyad. Gabadha ayaa la sheegay in qoyskeeda ay ka so jeedeen Flaastiin.

Diiwaanada maxkamada oo ay soo xigatay CBS News iyo Fort Worth Star-Telegram ayaa muujiyay garsoore Andy Porter inuu xukunka ku riday Elizabeth Wolf, 43 sano jir ah, ka dib markii ay qiratay dambiga isku day dil iyo halis galin ilmo.

Wolf ayaa lagu soo oogay dacwad sannadkii hore ka dib weerarka, kaasoo uu cambaareeyay madaxweynihii xilligaasi Joe Biden. Sida laga soo xigtay warbixinnada booliiska, Wolf ayaa gabadha yar hooyadeed la murantay ka hor intaan la waydiin halka ay qoysku ka yimaadeen.

Kadib waxa ay damacday inay qarqiso wiilka 3 jirka ah waxayna isku dayday in ay qabato gabadha walaalkeed oo 6 jir ahaa.

     
Loading...