Xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, oo ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in Dhuxul-dhagaxdu ay tahay xalka kaliya ee lagu badbaadin karayo dhirta iyo degaankeena, isaga oo tilmaamay in isticmaalkeeda lagaga maarmi karo dhirta la jarayo iyo xaalufinta deegaanka ee ee xawliga ah.
Xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, ayaa sidoo kale dawladda Somaliland ku dhiirigaliyay in dalka laga hirgaliyo wershado yar yar oo farsameeya Dhuxul-dhagaxda, si looga hotago dabar jarka iyo xaalufinta ba’an ee lagu hayo deegaanka iyo dhirtii manaafacaadka u lahayd bulshada ee dhibaatada lagu hayo.
Dhinaca kale Xildhibaan Siciid Huruuse ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in gacanta xukuumadda dib loogu soo celiyo dhulkii ay dawladdu lahayd, si looga hirgaliyo mashaariicda dawlawliga ah ee manface u leh bulshada reer Somalialdn, sida warshadaha Dhuxul-dhagaxda oo kale.
Xildhibaan Siciid, oo Wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Dawan,
ayaa ka xog-waramay xal u helista dhirta sida maalinlaha ah loo jarayo ee laga dhigayo Dhuxusha, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in qorshe weyn laga yeesho. Waxaanu yidhi "Dhirtii waa la wada jaray oo waa la dabar-gooyey, waxaana laga dhigey wax la gooyo iyo wax la gubo, roobka waxa soo qabta waa Dhirta, haddii dhulka laga dhammeeyo dhirta wuxuu isu beddelayaa Saxare. Bulshada waxaan u soojeedinayaa in ay joojiyaan xaalufinta deegaanka, sababta oo ah waxan aad jareysaan waa noloshiini, xoolihiini, adduunkiini waxa adduunyada quudiyaa waa Geedka, caleenta geedka ayaa waxa ay quudisa xoolaha, xooluhuna waxay quudiyaan dadka, dadkuna waxa uu quudiyaa dhulka oo marka aynu beerno geedkaas ayay nolosha adduunka oo dhami ku saleysan tahay, kaas ayaynu jareynaa, waa mushkilad, waa nin sun aanu garanayn cabbaya, markaa waxaan soo jeedinayaa in goynta dhirta la joojiyo”.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhirta oo la jaraa ay tahay noloshii oo wax loo dhimay, waxaanu bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan jarista dhirta. Waxaanu yidhi "Haddii dhirta la jaro waa noloshii oo wax loo dhimay markaa waxaan kula talinaya bulshada in ay ka waantoobaan goynta dhirta.”
Dhinaca kale Xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dawladu gacanteeda ku soo celiso dhulkii ay lahayd, isla markaana ay laga maarmaan tahay isku tashi bulsho oo xal loogu raadinayo dabar-goynta dhirta.
"Dowladda waxaan u soojeedinayaa in la sameeyo isku tashi qaran, isla markaana dib loo sooceliyo dhul daaqsimeedkii, si dhirta loo badbaadiyo iyo dalka iyo dadkaba, haddii ay sidan ku sii socoto waddanku waxa uu isu beddelaya Saxare lama degaan ah oo aan roob ka da’in, marka dadku mustaqbalkooda ha ka tashadaan oo ha joojiyan jarista dhirta”, ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, waxaanu intaas ku daray in ay lagama maarmaan tahay in dowladdu ku dhiirrato hirgelinta warshad lagu farsameeyo Dhuxul-dhagaxda si looga baaqsado goynta iyo gubista dhirta.
"Dowladdu haddii ay suuragal tahay ha keento haamaha gaasta ee cuntada lagu karsado, sababta oo ah deegaankii ayay badbaado u noqonaysaa, sidoo kale Dhuxul-dhagaxdu waa xalka kaliya ee lagu badbaadin karo dhirta, dadkuna ay ka heli karaan wax jaban, sababta oo ah Dhuxul-dhagaxdu marka maadada suntan ah ee ku jirta laga saaro hal dhagax ayaa qadada oo dhan kuu karinaya, maadaama aanu isagu hore u burburayn, dambasna ma noqonayo.Dowladu ha keento warshaddii lagu farsameyn lahaa Dhuxul-dhagaxda, oo dowladaha ay saaxiibka dhaw yihiin ha la kaashato.
Dhulkana gacanta dowladda ha lagu sooceliyo sababto ah dhulkii dad baa iska sheegtay oo meel aad marto heli meysid”.