Wasiirka diinta iyo Awqaafta JSl ayaa oo culimo u saaray kawaanka gawraca Hargaysa.

Tuesday June 10, 2025 - 08:33:39
hadhwanaagnews
Wasiir Baashe waxa uu sheegay in hawsha gawraca xooluhu u


 Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Shiikh CabdullaahI Daahir Jaamac (baashe) ayaa maanta Kormeer ku tagay Kawaanka Gawraca Xoolaha magaalada Hargaysa ee ay Maamusho shirkada Maandeeq , waxana Wasiirka halkaa kusoo dhoweeyay maamulka Shirkada Maandeeq.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa culimo u xilsaaray Hubinta, kor joogtaynta iyo kala saarida xoolaha Waafaqsan shareecada iyo kuwa aan shareecadu banayn ee adxiyada loo qalayo, qaar ka mid ah Hay’addaha samafalka iyo ururka Hilib-layaasha ee Nafaqo.

Wasiir Baashe waxa uu sheegay in hawsha gawraca xooluhu u socoto si habsami lleh yadoo la waafajiyey sharciga ay u dhigtay gawraca diinta islaamku iyo sidoo kale kuwa caafimaadka ee loo dajiyey kawaanka.
"Waxanu maanta soo booqanay kawaanka xoolaha lagu qalo ee magaalada Hargaysa oo ay ka socotay hawlihii gawraca Odxiyada, waxanu ku aragnay shaqo aad u qurux badan oo waafaqsan heerka loo dajiyey caafimaadka iyo shareecada islaamka" ayuu yidhi wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Wasiirka ayaa bogaadiyey shirkada Maandeeq oo gacanta ku haysa kawaanka qaliinka xoolaha ee magaalada hargaysa waxana uu ka markhaati kacay sida ay u ilaaliyeen nidaamyada caafimaafka qaliinka xoolaha.
     
Loading...