Baraha bulshadu ay ku xidhiidhaan ee kala duwan, waa masrax loogu talo-galey in bulshada caalamku ay ka faa’iidaystaan, isla markaana ay isugu gudbiyaan wixii wax wanaagsan laga faa’iidayo, sidoo kalena ku kala warqaataan.
Balse waxaad moodaa in bulshada Soomaalidu guud ahaan ay si khalad ah u fahmeen, kana dhigteen meel ay ku burburiyaan Diinta,dhaqanka, sharafta, wax isku ahaanshaha iyo cilmiga waxaana hoggaamiyeyaal uga ah baraha bulshada intii dadka ugu dhaqanka xumayd, oo badi bulshadu dhegaystaan
Haddaba Bulshada Somaliland gaar ahaan qaybaha kala duwan bulshada Caasimadda Hargeysa,ayaa qaylo dhaan dheer u diray Xukuumadda Somaliland isla markaana ka codsaday Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa Wada jir iyo Waxqabad in ay ka soo gaadho aafada baraha Bulshada oo bulshada kala dilaya diinta iyo dhaqankana ku ah duulaan cid kale u adeegaya ee qaar ka mid ah bulshada caasimada Hargeysa, ayaa xukuumadda Somaliland ee wadajir iyo waxqabad u soo jeediyay inay xakamayso isla markaana xeerar ay u samayso isticmaalka taban ee baraha bulshada, kaas oo si ba’an uga qayb noqday dhaqan xumada iyo waxyeelaynta amniga.
Qaar ka mid ah bulshada ku nool Caasimadda Hargeysa, oo Wargeyska Dawan la hadley ayaa tilmaamay in baraha bulshada dadka caanka ka ah intooda badan ay noqdeen kuwo u adeegsada cay, aflagaado, dhaqan xumo, sharafta iyo cirdiga qofka oo lagu gefo, diinta oo wax lagaga sheego, taasina ay keenayso ayay yidhaahdeen in uu doorsoomo dhaqankeenii wanaagsanaa.
Fu’aad Maxamed Cabdi Nuur, oo ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in waxyaabaha aan wanaagsaneyn ee ka socda baraha bulshadu ay keeni karto in bulsahdu ku kala-fogaato, isla markaana ay sababi karto iska-hor’imaad bulsho, waxa uu xukuumadda Wadajir iyo waxqabad iyo Goleyaasha sharcidejinta ka codsadey inay sameeyaan xeer lagu maamulo ciddii baraha xidhiidhka bulshada si qaldan u adeegsata, waxa uu intaas ku daray isaga oo waaninaya dadka sida xun u isticmaaha baraha bulshadu ku xidhiidho inay ILLAAHEY ka baqaan.
Waxaanu yidhi."Waxa lagu xakameyn karaa iyada oo madaxweynuhu soo saaro wareegto si weyn loo gorfeeyay oo bil iyo badh la naaqishayay, isaga oo u saaraya la taliyayaashiisa kala duwan, dadka aqoonyahanka iyo qaybaha bulshada, markaa waa in laga soo saaro qodobo qabanaya ciddii sameysa xadgudubyo la xidhiidha baraha bulshada ee wax lagu qoro.
Kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxa ku qoran haddii mid faasiq ahi idiin yimaado hubsada sababto oo ah waxa laga yaaba waxa uu sheegay in fidno ka badani ka dhalato, baraha bulshadu xadhkaha ayay goosteen, sababtoo ah waxa la yidhi been fakatey run magaadho, afku waxa uu la xoog yahay maqliga xawda kaa jara, baraha bulshada ee xadhkaha goostay ee ku yar iyo kuweyn waxay doonaan ka odhanayaan hadalku xadbu lahaa ee xadkiisi halagu soo celiyo.
Goleyaasha sharcidejinta waxaan leeyahay mudada kooban ee idiin hadhey, bulshada uga taga xeerar lagu xakameeyo Af-xumada xadhkaha goosatey ee baraha bulsahdu uwada xidhiidho.
Sidoo kale culimo iyo caamo intaba waa in meel looga soowada jeesta sidii xal waara loogu helilahaa baraha bulshada ee xadhkaha goostay.
Waxaan rajjeynaya in xukuumadda JSL, ee 60% kastabatey quluubta bulshada, ee mucaarid iyo muxaafid meel isugu keentay inay innaga saari doonto in qof waliba waxa uu doono ku hadli doono.
ILLAAHEY ka xishooda, haddii aydun ka xishoonweydaan bulshada ka xishooda, haddii aad ka xishoonweydaana sidaad doontaan yeela ifkaba waa la idinkaga jari doonaaye”
Mid ka mid dhallinyarada caasimada Hargeysa, ayaa sheegay in dadka saameyn taban ay ku yeesheen fariimaha kala duwan ee aan fiicneyn ee dadku isugu marinayaan baraha bulshada, waxaanu soojeediyay in qorshe Qaran laga yeesho.
Waxaanu yidhi."Waa in xad loo sameeyo dadkan baraha bulshada isticmaala, waa in la curiya xeerar lagu kasban karo ciqaab, dadkii waagi hore la odhan jiray waar orod umada ka fadhiiso doqonyahow ayaa hadda intay is urursadeen baraha bulshada ka qaylinaya, qofkii aan hadalkiisa la qaadin jirin ayaa dadkii maamulaya oo waxay doonaan sameyna, dadkii weyn daawanayaan markaasay saameynayaan, marka bulshadii doqon ayay isuwada beddelaysa,”
Sidoo kale muwaadin ka mid ah bulshada caasimada ayaa xukuumadda JSL, ka codsaday inay xil iska saarto sidii ay u keeni lahayd qorshe lagu maamulo Aflagaadada qaawan ee baraha bulshada la isku marinayo.
Waxaanu yidhi."Xukuumadda waxaan ku baraarujinayaa waa inay qorshe ka yeelata waxa la soo gelinayo baraha bulshada iyo saameynta taban ee ay ku yeelanayaan bulshada sidii wax looga qabanlahaa, wasaaraddaha isgaadhsiinta iyo diinta iyo awqaaftu waa inay qaataan doorkoodii”
Gaba-gabadii mid ka mid ah muwaadiniinta reer Hargeysa, ayaa hay’addaha dowladda ee ay khuseyso hawsha baraha bulshadu sigaara farii ugu direy.
Waxaanu yidhi."Wasaaraddaha warfaafinta, isgaadhsiinta, diinta iyo awqaaftu waa inay xil wey iska saaraan sidii loo xakameynlahaa Af-xumada iyo dhaqanada aan wanaagsaneyn ee baraha bulshada dhex socda, haddii kale waxa dhici kara in laga dhaxlo waxaan laga soo waaqsan karin”