Samaysanka Dabeecadaha Bina Aadamka & hababka gumaysiga casriga uga faa'idaysto Qaybtii 1aad

Monday June 16, 2025 - 08:18:55
hadhwanaagnews
Si fudud hadaan u dhigo.samaysanka dabeecada bina aadamku



Samaysanka Dabeecada bina aadamku waxay leeday hanaan ay u samaysanto oo kakan kaaso ka dhisan kala soocayaal iyo isku darayaal dabeeciya oo iskugu dhafan hanaan kakan oo dabeeciya kaaso ay kasoo farcaman oo soo qaabeya qaabkaynu nolosha u arkayno taaso bina aadamka ku xidha abuuraha halkan waa isha kasoo farcanto in aadmigu noqdo mid wax caabuda

 

Si fudud hadaan u dhigo.samaysanka dabeecada bina aadamku waxay ka dhisanta qoddobo lagu kala duwanyay iyo kuwo aadmiga oo dhan ka simanyay oo fidrad ahaan ugu abuuran kuwaaso si muuqata iyo si qarsoonba abuurta dadka.ugu jirta waana isha keenaysa ee qaabaysa in aadmigu wax wadaago sida caabudada oo dadku ka simanyay xataa kuwa ismoodaya in xayndaabka ka gudbeen si dadban ayaa ugu jiraan oo qaab dhaqankay yeeshaan ee iska riixida cabudaada in noloshoda ku qaatan ayaa cadayn u ah oo hadayna fidradaasi ku jirin iskamay caabiyeen cabudada oo in buriyaanba may dooneen

 

Fidradaha bina aadamka ku abuuran waa mid kamida qoddobada dadka ka dhigaya in fikiraan tani waxay dhacda oo la shaqaysa nolosha gaarka ee qofka sida deegaanku ku noolyay habkuu usoo koray iyo nolosha guud ee bulshada u ka midka yahay si kale hadaan u dhigo fidradaha abuurta dadka ku duubani markay lafal galaan.nolosha muuqata ee deegaanka ayaa wada jir usoo qaabeyaan dabeecada guud ee qofka oo ka dhasha isku darka dabeecadaha yaryar ee qofka taaso keenta hab fakarkeena iyo dabeecadaheen oo hab fakarkeena iyo dabeecadenu farqiga u dhaxeeya waa ogaalka iyo ogaal la'aanta gudaha garashada ka dhacaaya oo dabeecaden waa qaab dhaqankeena ka kooban falal, aragtiyo iyo dareeno innago ogayn u dhaqmayno qaarkodna ognahay waa waxa keena jacaylkeena iyo nacaybkeena arrimo ay ka mid yihiin halka hab fakarkeenu yahay ka ku taageeraya dabeecadu in saxantay oo sii waarto oo qanaacu ina siiya iyo farxad ama in qaldantu tilmaama oo xasiloonida lunta taasina in beddelno dabeecadaheena keenta

 

Fidradaha bina aadamka ku abuuran midkood waa doonista saraynta oo koobsanaya mudnaanta hadana tiiyo dadkii ku wada abuurantay fidrada. sarayntu ayaa hab fakarkeenu kala duwaya waxaynu saraynta u arkayno tanina waxay ina siinaysa dabeecado kala duwan oo qoddobkani wuxuu si dabeeciya ugu xidhanyay in noloshu socoto dooniso kala duwani.jiraan.doonisaha kala duwan qaarkood dulinima keenan oo in lala dagaalamo weeye balse si guud qoddob kani waa ka camiraaya aduunyada balse kuwa xad gudbaaya sida gumaystayaasha ayaa doona in si qaldan u macneeyaa iyago caamada ama wixii dagan ku daga iyago doona in lumiyaan heerka xadidaada doonisaha

 

Xillliyadan danbe ee isku furanka dunidu batay si dadka loo hogaamiyo waxaa loo maraa hanaanka dabeecada iyado la abuurayo oo loo macnaynayo umadaha sarayntu waxay tahay taaso keenta in dadkoo xor ismoodaya la hago oo la hogaamiyo waayo dabeecada oo ku xidhan fidrada ayaa loo maraya waa sababta Reer galbeedku u samaysteen abaal marinada caalamiga isla soco xaalad kasta si aan dabeecad ahaan lagu hogaamin adigoon ogayn xaaladawaxaa u nugul kuwa dookha badan

 

Mohamed Ibrahim <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...