Hay'adda Dhawrista Tayada iyo Hay'adaha ACRIF & SUN oo Ka Wada Hadlay Hirgelinta Siyaasadda Qaranka ee Bedqabka Cuntada

Monday June 08, 2026 - 12:19:56
hadhwanaagnews
Kor U Qaadista Bedqabka Cuntada



Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kayse Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adaha ACRIF iyo SUN, kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen Sakariye Daahir Ciise iyo Khadar Maxamuud Axmed.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Siyaasadda Qaranka ee Bedqabka Cuntada, oo ah qorshe muhiim u ah ilaalinta tayada cuntada, sugidda caafimaadka bulshada iyo horumarinta nidaamyada lagu maamulo badqabka cuntada dalka.

 

Kor U Qaadista Bedqabka Cuntada

 

Intii uu kulanku socday, dhinacyadu waxay si qoto dheer uga wada hadleen hababka ugu habboon ee lagu dhaqan-gelin karo siyaasadda bedqabka cuntada, iyadoo xoogga la saarayo kor u qaadista heerarka tayada iyo badqabka cuntada ee dalka.

 

Waxa kale oo laga wada hadlay sidii hagayaasha iyo habraacyada qaranka loogu waafajin lahaa heerarka iyo shuruudaha caalamiga ah ee lagu ilaaliyo tayada iyo badqabka cuntada.

 

Muhiimadda Nidaam Mideysan

 

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada, Mudane Maxamed Kayse Axmed, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sameeyo hannaan mideysan oo lagu xaqiijinayo tayada iyo bedqabka cuntada.

 

Waxa uu sheegay in nidaamkan uu door weyn ka qaadan doono ilaalinta caafimaadka bulshada, kor u qaadista kalsoonida macaamiisha iyo tayaynta badeecadaha cuntada ee gudaha dalka.

 

Is-afgarad iyo Wada-shaqayn

 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo natiijooyin wax-ku-ool ah, iyadoo dhinacyadu isla qaateen in la sii xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda dadaallada lagu hirgelinayo himilooyinka Siyaasadda Qaranka ee Bedqabka Cuntada.

 

Masuuliyiintu waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la xaqiijiyo helitaanka cunto badqab leh oo tayo sare leh, taas oo ka qayb qaadanaysa caafimaadka iyo daryeelka bulshada Somaliland.

     
Loading...