Madaxweynaha Somaliland Oo Dardargelinaya Diiwaangelinta Casriga Ah Ee Codbixiyeyaasha SAWIRO

Saturday July 04, 2026 - 16:35:25
hadhwanaagnews
Masuuliyiinta Komishanka ayaa Madaxweynaha u sharraxay


May be an image of dais and text

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta diiwaangelinta casriga ah ee codbixiyeyaasha iyo xoojinta hannaanka doorashooyinka dalka.

 

Kulanka ayaa Komishanka Doorashooyinka ku soo bandhigay qorshe hawleed dhammaystiran oo la xidhiidha diiwaangelinta cusub, hab-raacyada farsamo iyo jadwalka lagu fulinayo hawsha, taas oo la qorsheeyey inay ka qabsoonto dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

 

Masuuliyiinta Komishanka ayaa Madaxweynaha u sharraxay in nidaamka cusub uu ku salaysan yahay adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah, si loo helo diiwaangelin sugan, sax ah, daah-furan oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, isla markaana fududaynaysa ka qaybgalka muwaadiniinta xaqa u leh codbixinta.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa bogaadiyey dadaalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii laba-jibaaraan shaqada lagu horumarinayo nidaamka diiwaangelinta iyo doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in dhammaan muwaadiniinta xaqa u leh codbixintu ay si sahlan isu diiwaangeliyaan.

 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in diiwaangelinta casriga ahi ay laf-dhabar u tahay xoojinta dimuqraadiyadda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada kalsoon yahay.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa Komishanka u xaqiijiyey in Xukuumaddu ka soo bixi doonto waajibaadkeeda ku aaddan diyaarinta dhaqaalaha iyo taageerada farsamo ee lagu hirgelinayo diiwaangelinta cusub ee codbixiyeyaasha.

 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha ay khusayso, dardargelinta qorshaha diiwaangelinta iyo ka faa’iidaysiga tiknoolajiyadda casriga ah, si loo sii adkeeyo sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka nabdoon.

May be an image of one or more people, dais and text

May be an image of one or more people, beard and suit
May be an image of dais
May be an image of one or more people and dais
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and beard
May be an image of one or more people
May be an image of dais and newsroom
May be an image of one or more people, newsroom and text
May be an image of dais
May be an image of dais and text



     
Loading...