Maxay Soomaaliya ka tiri in Itoobiya ay ka mid noqon karto ciidamada beddeli doona ATMIS?

Friday August 23, 2024 - 10:24:46
hadhwanaag
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya



Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka jawaabay hadalkii afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyu Tedlaoo, oo dhawaan sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay tallaabo difaac ka qaaddo waxuu ku qeexay 'al-Shaabta aadka u xoogaystay'.

 

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa yiri: "Ma jirto awood joojinaysa Itoobiya in ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah qaadno iyada oo aan cidna oggolaansho weydiisanayn. Itoobiya iyo dowladaha gobolkuna waxay ka wada shaqayn doonaan midaan"

 

Axmed Macalin Fiqi oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id kadib kulan ay yeesheen wasaaradda arimaha dibadda iyo diblomaasiyiinta waxa uu xog buuxda ka siiyay shirkii ka dhacay Turkiga ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uuna sidoo kale soo hadal qaaday hadalka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyu Tedlaoo, kaas oo dhawaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya.

 

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay go’aanka ah in ciidamada Itoobiya ay kamid noqon karaan howlgalka cusub ee baddalaya ATMIS.

 

"Dawladda marti galineysa qaraarka ayaa iska leh go’aanka, cidna kuma qasbi karto dowladda Soomaaliya, dowladda Itoobiyana waxeeda waa aan ku qabsado’’. Ayuu yiri wasiir Fiqi.

 

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday in Itoobiya ay marar badan ka dhawaajisay in ciidamo ay Soomaaliya uga dhinteen sidaasna ay ku doodayaan, waxa uuna ugu jawaabay in dhiig danbe aysan iskaga qasaarin Soomaaliya hadii ujeedkoodu yahay in ay bad ama dhul ku badashaan.

 

Hadlka wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan ay isku fahmiwaayeen shir ka socday dalka turkiga kaas oo looga hadlayay muranka ka dhashay heshiis is afgarad ahaa oo ay Itoobiya la gashay Somaliland.

 

Muxuu la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya ka yiri bixitaanka ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Itoobiya?

 

Bishii June, Xuseen Macallin oo ah La taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in marka uu dhamaado bixitaanka ciidamada hawlgalka ATMIS ay guud ahaan ciidamada dalka Itoobiya isaga bixi doonaan dhulka Soomaaliya, aysanna aqbali doonin hawlgalka xiga ATMIS ay Itoobiya qayb ka noqoto.

 

Sababta ugu wayn go'aankaas ayaa waxay tahay, in khilaaf xoogga uu ka dhaxeeyo labada dawladood ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

"Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan,’ sidaas waxaa yiri Xuseyn Macallin, Lataliyaha Amniga Qaran ee Soomaaliya.

 

Itoobiya dhaqdhaqaaq maka sameyn kartaa gudaha Soomaaliya dowladda oonan amrin?

Su'aashaan ayaa waxaan weydiinnay Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo sharciyaqaan bartay shuruucda caalamiga ah iyo tan arrimaha badda. Waxuuna sheegay Cabdullaahi haddii ay Soomaaliya kusii adkaysato in Itoobiya ayna kasii mid noqon howlgalka xiga ee ATMIS beddelaya in sii joogista Itoobiya ay noqonayso gudub lid ku ah sharciga caalamiga ah.

 

"Ma jirto sabab sharciyad siinaysa inay sii joogaan dhulka soomaaliya waxayna xadugub ku noqonaysaa gobannimada iyo madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya si waafaqsan xeerarka caalamiga ah." ayuu yidhi Cabdullaahi oo sharaxaya sida tallaabadana sharci ahaan u khaldantahay.

 

Dhanka kale Axmed Cali Saki oo ah Cilmi baadhe iyo Barre ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa uu aainsan yahay in hadalkan uu muujinaayo walaaca ay Itoobiyo ka qabaan ciidamada Masar ee imaanaya Soomaaliya.

 

"Afhayeenku isaga oo ka daba tagaya saxaafadda [kadib] heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Masar ayuu waxuu muujinaayay in ay walaac ka qabaan ciidamada Masar ee imanaya Soomaaliya" ayuu BBC da u sheegay Cali Saki.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis difaac la saxiixatay dalka Masar, wakaaladda wararka ee Anadolu ayaana ku warrantay in Masar ay taageerayso howlgalka cusub ee beddeli doona ATMIS ee ciidamada cusub ee Afrika ka socda, kuaaso oo usii joogi doonaa howlgalka nabad ilaalinta ah.

 

Sida ku xusan warbixinta ay daabacday Anadolu waxaa sare u kacay waxyaabaha ay Masar Soomaaliya usoo dhoofiso oo keliya 11-kii bilood ee ugu horreeyay sanadkii tagay ee 2023 gaadhay $54 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

bbc/somali
     
Loading...