Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu "dulleyn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, xilli ay xiisado ka taagan yihiin gobolka aan xasillooneyn ee Geeska Afrika.
Itoobiya oo la sheegay
in ay tahay dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, ayaa waxaa uu khilaaf kala
dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay heshiis dhinaca badda ah oo Ethiopia
la gashay maamulka la baxay Somaliland.
Xiriirka Masar ee
Itoobiya ayaa sidoo kale aan wanaagsan, taasi oo la xiriirta biyo-xireenka weyn
ee Itoobiya ee wabiga Nile.
"Nala taaban maayo! Si
kastaba ha ahaatee, waanu ceebayn doonnaa cid kasta oo ku dhiirrata inay noo
hanjabto si aan iyaga uga leexino,” ayuu Abiy ka yiri xaflad lagu xusayay
maalinta Qaranimada oo ka dhacday caasimadda Addis Ababa.
"Cidna kalama xaajoon
doono madax-banaanida iyo karaamada Itoobiya,” ayuu sii raaciyay.
Itoobiya ayaa bishii
hore ku eedaysay dalal aan la magacaabin in ay doonayaan in ay "qalqaliyaan
xasilloonida gobolka” ka dib markii Masar ay saanad milateri u dirtay
Soomaaliya ka dib heshiis iskaashi milateri oo ay kala saxeexdeen Qaahira iyo
Muqdisho.
Masar ayaa sidoo kale
ku yaboohday Soomaaliya in la geeyo ciidamo ka tirsan howlgalka cusub ee
Midowga Afrika oo sanadka soo socdabedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee
hadda loo yaqaan ATMIS.
Itoobiya ayaa hadda
gacan weyn ku leh ATMIS, iyadoo ka gacan siisa ciidamada Soomaaliya dagaalka ay
kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Balse dowladda
Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskii bishii January ee sanadkan ay kala
saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo Addis Ababa siinaya marin baddeed,
iyadoo Somaliland ay dhinaceeda sheegtay in ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya
ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid lagu weeraray madax madax-banaanideeda
dhuleed.
Turkiga ayaa dhex
dhexaadiyey wadahadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, si
loo xaliyo khilaafka, balse ma aysan sameyn wax horumar ah oo la taaban karo.
Qaahira iyo Addis Ababa
ayaa sannado badan waxaa ka dhex jiray khilaaf, iyagoo is dhaafsanayay ereyo
kicin ah oo ku saabsan mashruuca biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, kaasoo Masar
ay sheegtay inuu khatar ku yahay ammaankeeda biyaha.
VOA