Itoobiya oo si Kulul Ugu Jawaab tay Maamulka Muqdisho

Tuesday September 17, 2024 - 09:28:43
Hadhwanaagtv
Nebiyu Tedla Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya...



Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dawladda federaalka Itoobiya, Nebiyu Tedla, ayaa jawaab kulul ka bixiyay haddalo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Muqdisho Axmed Macalin Fiqi oo sheegay inay xidhiidh la samayn doonaan jabhado ka jira Itoobiya, haddii ay ka noqon waydo heshiiskii is afgarad ay la galeen Jamhuuriyadda Somaliland.


 

Nebiyu Tedla Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), waxaanu tilmaamay in wax lagu qoslo ay tahay hadallada ka soo yeedhay wakiillada Alshabaab ee dawladnimada sheeganaya.


 

"Waa wax lagu qoslo in la arko wakiillo AS ah oo iska dhigaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo aan awoodin in ay si hufan ugu shaqeeyaan meel ka baxsan Gobolka Banaadir ayay ku dhawaaqayaan waddaniyad madhan, oo ay ka dambayso hannaan qabiilnimo,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya.


 

Mr. Tedla waxa kaloo uu intaas ku daray "Arrinkan oo kale wuxuu wiiqi karaa sannado badan oo horumar ah, wuxuuna Soomaaliya u horseedayaa god kale.”

     
Loading...