Dr. Federico Donelli oo ah barafaysor ku takhasuusay culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah waxna ka dhiga Jaamacadda Trieste ee Talyaaniga ku taal ayaa shalay oo Axad ah fiidkii (13.04.2025) baahiyey maqaal uu u bixiyey "Ethiopia-Somalia Tensions: Power Dynamics and Extra-Regional Actors in the Red Sea Region” oo macno ahaan u dhiganta cinwaanka aan xagga sare ku qoray. Maqaalka oo aan soo wada akhriyey baan inta hoose ka soo dhiraandhiriyey. Marka koowaad, waxa aan ka cudurdaaranayaa in aan erey-erey iyo sadar-sadar u turjumin ee aan nuxurka iyo mucda ku jirta oo aan afka hooyo ugu soo koobay. Marka xigta, turjumaaddu ma aha wax la igu yaqaannay waana xirfad aan dadyow gaar ahi hibo u leeyihiin, sidaa darteed wixii aan darjiidho ha la iigu xilqariyo.
"2024 wuxuu ahaa sannad ku bilaabmay heshiis hordhac ah oo dhex maray Soomaalilaan iyo Itoobiya. Markii ay kala saxeexdeen is-afgradka (MoU), waxa Geeska Afrika ku dhacay isbeddel ballaadhan ku yimi qaabkii uu u yaallay gobolku, maadaama heshiisku Itoobiya u furayey irrid ay ka gasho Badda Cas, taa beddelkeedana uu Soomaalilaan u rumaynayey hamigii aqoonsi. Dhaqdhaqaaqaa mugga weyni lihi wuxuu xasiloonidarro ku riday dawladdii Soomaaliya oo nafta kula carartay taageero ay tuugto dalalka Jabbuuti, Ereteriya iyo Masar. Arrintu waxa ay cirka isku sii shareertay markii dawlado waaweyni ciyaarta ku soo biireen; sida Turkiga, Imaaraadka, Sucuudiga iyo Faransiiska. Quwadahan gobolka ka baxsani iyagu ma ahayn ciddi ciyaarta bilawday, laakiin waxa ay kala taageereen ciyaartooyadii gudaha (dalalka geeska) taas oo kor u sii qaadday xifaaltankii. Markaas baa dunidu si weyn ugu baraarugta muhiimadda Badda Cas iyo siyaasadda-juquraafi ahaaneed kobta ay dunida kaga taallo.
Soomaalilaan oo burburkii Soomaaliya 1991 kaddib madaxbannaan ku dhawaaqday, waxa ay suurgalisay maamul u gaar ah (de facto state). Si kastaba ha ahaatee, nidaamkii Hargaysa ka hirgalay illaa maanta kuma guulaysan aqoonsi dunida kale ku soo dhawayso. Hirgalidda is-afgaradkaasi Soomaalilaan wuxuu soodhawaynayaa riyadeeda iyo Itoobiya oo hamigeedda baddu mar uun u suuragalo. Laakiin arrintu waa mid saamayn ku yeelan doonta saddex dawladood oo gobolka deris ku ah; Itoobiya, Soomaaliya iyo Soomaalilaan. Saddexdooda, mid waliba iminka wuxuu u guclaynayaa danihiisa khusuusiga ah.
Itoobiya oo baddeedii ku wayday dagaalkii sagaashamaadkii ee sababay in Ereteriya ka go’do, wixii ka dambeeyey waxa ay ku jirtay dhul go’doon kaga jira badaha adduunka oo dhan. Taasi waxa ay sababtay in laga soo bilaabo 1998 Itoobiya 95% wax kala soo degto dekekadda Jabbuuti. Dhaqaale u dhexeeya hal bilyan iyo badh illaa laba billyan oo doollar ($1.5 - $2 billion) ayaa sannadkii Itoobiya kaga baxa adeegga ay ka hesho dekekadda Jabbuuti. 2019 Itoobiya waxa u aragtay in aanay ku sii jiri karin lacagta intaa leeg ee sannad walba dibadda uga qulqusha oo ay dhiigbax dhaqaale u arkeen. Raysalwasaare Abyi Axmed wuxuu aaminay sida ay lamahuraanka u tahay Itoobiya in ay hesho deked la isku hallayn karo oo raandiis leh.
Itoobiya intaa wixii ka dambeeyey bay bilawday in sahaminta waddamada ku hareeraysan ee Kiiniya, Soomaaliya iyo Jabbuuti ka mid yihiin. Amintii la bilaabay dhismaha wadda-gacansiyeedka (corridor) isku xidhaya Berbera iyo Adiis ayaa dareenkii dawladda Itoobiya u soo jeediyey bilihii u dambeeyey 2023 dhanka Berbera, si ay uga raadiso waxa ay doonayso. Dabcan, shirkadda Imaaraadku leeyahay ee DP-World oo wixii 2015 ka dambeeyey gacanta ku haysay dekedda Berbera ayaa casriyeyn ku samaysan dekedda Soomaalilaan u weyn ee Berbera.
Itoobiya, markii koowaad, waxa ay ka fikirtay badeecadihii dekekadda Jabbuuti uga soo degayey qayb ka mid ah, qaddar ahaan u dhexeeya 12% illaa 15%, in ay xagga Berbera u soo wareejiso. Itoobiya waxa ay isu aragtaa hormoodka awoodda gobolka Geeska Afrika, marka loo eego taariikhdeeda siyaasadeed iyo dhaqaale ee soo jireenka ah.
Arrintaasi waxa ay madaxda Itoobiya ku dhalisay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed in u arkaan meel ay dabiici ahaan wax ku leeyihiin ama ku tashan karaan. Sababtaa darteed, machadka amuuraha dibadda Itoobiya waxa uu soojeediyey labada biyood (Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed) istaraatiijiyaddii dawladdu kagaga hawlgali ahayd, halka markii hore xoogga la isugu gayn jiray biyaha webiga Niil oo kaliya.
Damaca awood sare oo Itoobiya ku yeelato Geeska Afrika waxa qudha ee ka dhinaa ayaa ahaa caqabada ka haysata kadinka laga galiyo badda. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya laba faa’iido ayaa ugu jiray haddii is-afgaradka guul buuxda iyada iyo Soomaalilaan ka gaadhaan: kow; kaalinteeda Geeska Afrika oo kor u sii kacda iyo, laba; la-dagaallanka budhacdbaddeeda oo ay ku yeelan doonto door caalami ah.
Isku soo wada duuboo, magaalada Lughayi dalka Itoobiya waxa ay u sahli kartaa saldhig ciidan oo ay kaga soo dhawaato arrimaha qaaradda Aasiya iyo, gaar ahaan, "Indo-Pacific” oo tobanaanka sano ee soo socda shiishku siiran yahay.
Dhanka Soomaalilaan marka ay noqoto, Is-afgaradku wuxuu uga dhigan yahay tallaabo hore loogu qaaday dariiqii dhibka badnaa ee madaxbannaani dhammaystiran. Sanooyinkii u dambeeyey, amuurta aqoonsiga Soomaalilaan wuxuu dunida ka helay indho cusub in dib loogu eego. Hamigaasi wuxuu la xidhiidhaa taariikh soo taxnayd ka hor xataa intii aan Siyaad Barre talada boobin. Illaa gu’gii 1884, deegaanka waxa lagu yaqaannay maxmiyad Soomaalilaan ee Ingiriiska hoos tagta oo leh qaddar maamul iyo kala dambayn ah, taas oo Soomaalilaan ka soocaysa dawladdii Talyaanigu sidii ay u gumaysatay Soomaaliya.
1960-kii, midnimadii kalsoonidu ku dheehnayd ee Soomaalilaan kula midawday Soomaaliya waxa ka dhalatay in xaaladda bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dadka Soomaalilaan marba marka ka dambaysa diigaabaasaha sii noqonaysay, waana wixii sababay in muwaaddiniinta reer Soomaalilaan qoriga qaataan oo madaxbannaanidooda u halgamaan. Taliskii Siyaad Barre wuxuu taa kaga jawaabay in uu mugdi sii galiyo nolosha dadka dalkan ka soojeeda oo uu cadaadis iyo takoor baahsan kula kacay.
Dhagarihii dhaqaale iyo siyaasadeed ee xukuumaddii Siyaad Barre ku cabbudhisay shacabka ayaa saqiirisay kalgacalkii reer Soomaalilaan midnimada u qabeen. Burburkii kaddib, waxa soo baxday farqiga u dhexeeya dadka Soomaalilaan (oo nidaam samaystay) iyo duruufihii ay Soomaaliya dhex muquuratay. Sidaas marka ay tahay, goonni-isu-taagga Soomaalilaan waxa laga dhex arkayaa dhibaatooyinka taariikheed ee soo gaadhay iyo nooca gaarka ah ee dadkeedu yahay. Doodda Soomaalilaan waxa ay mar walba keentaa sida ay u kala duwan yihiin iyada iyo Soomaaliya. Tobanaan sano Soomaalilaan waxa ay ku guulaysatay sugidda nidaam dawladeed oo salka ka fadhiya oo ay ku maamulayeen dhaqaale xaddidan (oo aan cidi ka taageerin).
Hannaanka doorashooyin dimuquraaddi ahi waxa ay sii xoojiyeen raadinta muwaaddiniintu ku rabaan aqoonsi caalami ahi. U fiirso doorashooyinkii dhacay Noofambartii u dambaysay sida xisbiyadu u ahaayeen kuwo bisil oo qaangaadh ah. Xukuumaddii doorashada laga helay sida ay talada u wareejisay waxa ay ahayd ashaqaraar cajiib ah, waana dhacdo dhif iyo naadir ah sida looga bartay qaaradda (Afrika). Guulaha Soomaalilaan ka gaadhay dhisidda haayadaha dawliga ah ka sii yaab badan, kolka loo eego waxa ka socda Soomaaliya.
Is-afgaradka ay kala saxeexdeen Soomaalilaan iyo Itoobiya waddamadii gobolka werwer buu ku riday, siiba Soomaaliya. Maadaama dunidu Soomaaliya wali u taqaan hal dal sharci ahaan, cabsidii laga qabay in Soomaalilaan aqoonsi hesho wuxu dhaliyey baqdin hor leh. Soomaaliya waxa ay istustay, haddii Itoobiya aqoonsato Soomaalilaan in waddamo kalena ku dayan doonaan.
Soomaaliya, hawsha ay Itoobiya bilawday, waxa ay u aragtay masiibo cabsideeda leh oo khatar ku ah jiritaanka dambe ee Soomaaliya iyo saban xumaadka ay hadda la baaxaadegayso. Xujooyinka adag ee wakhtigan hor yaalla Soomaaliya ayaa kala ah taabagalinta nidaam macno leh oo shaqaynaya, xidhiidhka sii hagaasaya ee ka dhaxeeya xukuumadda dhexe ee fedderaalka ah iyo maamul-gobolleedada, iyo, kan saddexaad oo ah dagaalka Xagjirka AS oo doc kale isna kaga furan.
Xasan oo ka jawaabaya Is-afgaradka la kala saxeexday, ayaa cagaha wax ka dayey. Olole orodkiisa iyo qayladiisa wata ayuu dunida kula dhex dhacay, si uu u gufeeyo aqoonsi beesha caalamku siiso Soomaalilaan.
Muqdisho iyo Qaahiri (caasimadda Masar) waxa si rasmi ah isula jaanqaadeen Ogos 2024, ka gadaal markii ay wada galeen heshiis difaac oo meesha lagaga saarayo gebi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaliya.
Xidhiidhkaa Soomaaliya iyo Masar, oo ay badhitaarayaan Ereteriya iyo Jabbuuti, wuxuu abuuray xulafo ka dhan ah Itoobiya. Taasi waxa ay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo ku yimi siyaasaddii Geeska Afrika iyo adduunyo-geddoonka ku dhacay siyaasaddii Masar ee gudaha Afrika.
Siyaasaddii Masar ee waqooyi iyo koonfur u taallay, madaxweynaha Masar, Cabdal Siisi, wuxuu u kala jeediyey nashqad u shaqaynaysa bari iyo galbeed.
Doonista Itoobiya ee baddu waxa ay Masar ku soo kicisay] gocosho la xidhiidha colaadihii webiga Niil ku dhex maray iyada iyo Itoobiya. Sidaas awgeed, Masar waxa ay u soo wada jihaysatay xaaladaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku soo korodhay, iyada oo ka faa’iiaysanaysa muranka Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex galay.
Is-afgaradka Soomaalilaan iyo Itoobiya wuxuu soo kordhiyey xasarado cusub. Xasaraddaasi waxa ay sababtay in indhaha dunidu u soo jeestaan xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay ka dhasheen tiro waddamo ah oo wada galay heshiisyo amni iyo kuwo difaac. Jabbuuti waxa ay u halgamaysaa dhaqaalaheeda ku tiirsan dekedda magaalada Jabbuuti oo haddii Berbera iyo dunidu isku xidhmaan taladu faraha ka bixi karto.
Eretariya waxa aanay wax kaslooni ahba ku qabin waxa Itoobiya ka suurtooba, gaar ahaan xukuumadda Abyi oo xuduudda dagaal ku soo qaadi karta. Masar dhibteedu waa in aanay iska dhex waayin saamaynta ay gobolka ku leedahay. Soomaaliya mushkiladeedu waxa ay ka bilaabantaa kuna dhammaataa Soomaalilaan oo aqoonsi sharci ah hesha.
Turkiga iyo Imaaraadka waa labada ciyaartooy ee ugu firfircoon dheesha gobolka ka socota. Imaaraadku si badheedh ah buu u taageeray isafgaradka Hargaysa iyo Adiis, halka Turkiga oo xidhiidh ganacsi la leh Itoobiya uu isku dayey door dhexdhexaadnimo ah in uu uga hawlgalo arrinta.
Turki iyo Imaaraad oo xiddhiidhkooda 2021 hagaajistay, iminkana arrintan taagan ku kala aragti duwan, haddana waxa ay ka siman yihiin in mid waliba gaarkiisa u doonayo saamaynta uu ku yeelan lahaa Geeska Afrika. Gacmo aan la arkayn oo Faransiiska iyo Sucuudiga ah ayaa iyaguna meesha si aan la arkayn ugu jira.
Faransiiska wuu taageeray is-afgaradka, kaliya si uu u muujiyo quwadaha Bariga Afrika ku hirdamaya in uu ka mid yahay, sababtuna waa in hoggaamiyayaasha siyaasadda Faransiisku qabaan saamaynta isa soo taraysa ee gobolka geesku in ay aad muhiim ugu tahay mustaqbalka Faransiiska, taas oo keentay in saldhigga ciidan ee uu Jabbuuti ku leeyahay laga dhigo meesha Faransiisku ka hago danihiisa Afrika. Dhanka Sucuudiga, isagu wuu qaadacay is-afgaradkaa, sababtuna waa in Imaaraadka colaadi soo jireen ahi ka dhaxayso. Sababta soo raacdaa waa mashaariicaha Imaaraadku ka wado Geeska Afrika oo aanu awalba jeclayn ay dabada ka wadaan diidmada Sucuudiga.
Dhibaatadu ma ah in quwadaha shisheeye ay gadaal ka soo tukhaakhinayaan qulqulatooyinka Geeska Afrika, laakiin waa dalalka deriska ku wada ah gobolka oo ku tartamaya saaxiibbadooda mandiqadda ka baxsan isla markaana mid waliba gaarkiisa taageero ka helayo saaxiibbada uu ku leeyahay quwadahaa qalaad. Intaasi waxa innaga caawinaysaa in la fahmo sababta Soomaalilaan iyo Itoobiya wakhigan u go’aansadeen saxeexidda is-afgaradkooda.
Dhacdooyinkani waxa kale oo ay sharraxayaan xiisadaha gobolka ka taagan cirriqooda, sida dagaalka Suudaan iyo gobolka Tigreega (Itoobiya) colaadihii sokeeye ee ka dhacay. Isbeddelada caalamka ka socda ayaa waxan oo dhan u aabbo ah, oo sababay in dalalkii deriska ahaana ay u kala dheereeyaan taageero ay mid waliba dhankiisa u raadsado gacan dibadeed.”
W/Q: Dr. Federico Donelli (English) W/T: Khadar Cabdi Cabdillaahi (Soomaali)
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!