Safiya Siciid oo u Dhalatay Somaliland oo Taariikhda ku Gashay Maayirka Sheffield (UK)

Wednesday May 21, 2025 - 11:11:35
hadhwanaagnews
Xildhibaan Safiya, oo xubin ka ah Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party)



Iyada oo ah guul taariikhi ah, Safiya Siciid, oo u dhalatay Somaliland ayaa loo doortay inay noqoto Duqa Magaalada Sheffield ee 128-aad, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Madow ee Muslimka ah ee xijaaban oo qabata jagadan sharafta leh. Caleema saarka ayaa ka dhacay Shirka Sannadlaha ah ee Golaha Deegaanka ee Magaalada Sheffield, kaas oo ay ka soo qaybgaleen xubno qoyska ka tirsan Somaliland oo aad u faanay iyo xubno ka tirsan bulshada deegaanka.

 

Xildhibaan Safiya, oo xubin ka ah Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) waxay xubin ka ahayd Golaha Deegaanka Sheffield tan iyo 2021 waxayna hore u soo noqotay Ku-xigeenka Duqa Magaalada iyo Guddoomiyaha Guddiga Deegaanka Waqooyi Bari. "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qabto doorka Maayirka Magaalada, anigoo taariikhda noqday haweeneydii ugu horeysay Madow xijaaban ee qabata jagadan Sheffield,” ayay tidhi Safiya. "Magaaladan runtii waxay noqotay gurigayga, meel aan waligay dareemayay inaan ka tirsanahay.”

 

Bulshada Somaliland ee Sheffield waxay muddo dheer kaalin mug leh ka qaadanayeen u doodista aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland. Waxaa xusid mudan, in Golaha Deegaanka Sheffield ahaa golihii ugu horreeyay ee UK ee aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland 2-dii Abriil, 2014, tallaabo ku dhiirigelisay golayaasha kale, oo ay ku jiraan Bristol, Cardiff, Liverpool, Birmingham, iyo Tower Hamlets ee London, inay ku deydaan intii u dhaxaysay 2014 iyo 2019. Dadaalladan waxay muujinayaan sida ay qurbajoogtu ugu heellan tahay madaxbannaanida dalkooda, Somaliland oo dib ugala soo noqotay madaxbanaanideeda 1991 ka dib burburkii dawladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Wakaaladda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u hambalyaysay Safiya Siciidd, iyaga oo xusay in guusheedu timi waqti muhiim ah qurbajoogta Somaliland iyo kaalintooda wax ku biirinta hoggaanka bulshada caalamiga ah.

     
Loading...