Somaliland oo ka laabatay go'aan adag kadib cadaadisuga yimid dowladda Itoobiya

Friday May 09, 2025 - 15:52:15
hadhwanaagnews
Dawladdu waxay sheegtay in qofkii fuliyo amarkan la siin doono



Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka dabacsan tii hore, taas oo la xiriirta joogitaanka dadka ajaanibta ah ee aan haysan

oggolaansho sharci ah, kuwaas oo u badan muwaadiniinta Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa amartay in dhammaan dadka ajnabiga ah ee ku sugan deegaanadeeda, si gaar ah kuwa sharci darrada ku jooga, ay isdiiwaan-geliyaan si loogu oggolaado deganaansho KMG ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in dadka ajaanibta ah laga rabo in ay muddo kooban gudaheeda iska diiwaan-geliyaan laamaha Mudadaas ayaa loo asteeyay in ay bilaabato 6-da May 2025, kuna egtahay 26-ka May 2025.

Dawladdu waxay sheegtay in qofkii fuliyo amarkan la siin doono oggolaansho ku meel gaadh ah oo ay ku sii joogaan gudaha dalka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dadka isdiiwaangeliya laga qaadi doono cashuur, isla markaana looga baahan yahay in ay qoraal codsi ah u gudbiyaan laamaha socdaalka.

Qoraalkaas ayaa noqon doona mid lagu caddeeyo ujeeddada joogitaankooda iyo shuruudaha looga baahan yahay si ay sharci ugu helaan deganaansho rasmi ah mustaqbalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in ajaanibka doonaya in uu dalka ka baxo inta lagu jiro muddada isdiiwaan-gelinta uu xor u yahay in uu baxo, balse looga baahan yahay in uu bixitaankiisa si rasmi ah uga diiwaangeliyo xuduudaha uu ka gudbayo. Tallaabadan ayaa

qayb ka ah habraaca cusub ee maamulka socdaalka.

Xukuumaddu waxay si cad u sheegtay in qof kasta oo ajaanib ah oo aan isdiiwaangelin waqtiga loo qabtay, lala tiigsan doono tallaabo sharci ah, iyadoo ciidamada ammaanku awood u yeelan doonaan in ay fuliyaan amarada la xiriira arrintan. Waxa laga digay in laga

fogaado ku xadgudubka xeerarka socdaalka.

Amarkan cusub ayaa daba socda digniin hore oo ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo saartay 29-kii Abriil, taas oo lagu faray in ajaanibta sharci darrada ku joogta Somaliland ay dalka uga baxaan muddo saddex cisho gudahood ah.

Si kastaba ha ahaatee, amarka cusub ayaa u muuqda mid dabacsan oo u oggolaanaya dadkaasi fursad ay ku sharciyeeyaan joogitaankooda. Wararka ayaa tilmaamaya in isbeddelkan uu yimid kadib kulamo la yeeshay Wakiilka Dowladda Itoobiya u fadhiya

Somaliland, Teshome Shunde Hamito, kaas oo arrimaha socdaalka kala hadlay Madaxweynaha Somaliland.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Danjire Hamito uu codsaday in la fududeeyo amaradii hore, maadaama dadka ugu badan ee saameynaya yihiin Itoobiyaan halkaas ku sugan, kuwaas oo intooda badani ka shaqeeya adeegyada hoose ee dalka.

     
Loading...