Midawga Yurub Maxay Ka Yidhaahdeen Rajada Ay Shacabka Muqdisho Ka Qabaan Dawladnimo Ay Helaan

Sunday September 15, 2024 - 21:34:21
Midawga Yurub Maxay Ka Yidhaahdeen Rajada Ay Shacabka Muqdisho Ka Qabaan Dawladnimo Ay Helaan



Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell, ayaa magaaladaMuqdisho ku tilmaamay inay tahay meel laga quustay oo ay dadkeedu quusteen.

Josep Borrell oo hoggaaminayay wefti reer Yurub ah oo booqday daanta Rafax ee dhanka Masar, ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Gaza ay yihiin Masiibo lamid ah tan ka jirta Muqdisho, wuxuu muujiyay in Muqdisho daran tahay.

Madaxa xafiiska siyaasadda, ahna Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub, ayaa isagoo warbaahinta la hadlayay, kuna sugan marinka dhanka Masar ee Rafax oo duqeymo culus ay ka wadaan ciidamada Israa’iil, ayaa ku halqabsaday, tusaalena u soo qaatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

"Waa inaan iska ilaalinaa in Gaza ayna noqon Muqdishada cusub, Muqdishada ku taalla Mediterranean-ka, ama Haiti-da cusub, dhul aanu sharci iyo kala dambayn ka jirin oo ay ka jiraan gaangis iyo qalalaase dadku quusteen.” ayuu yidhi Josep Borrel.

Borrel, ayaa hadalkiisa ku muujiyay in Muqdisho tahay meel laga quustay, isagoo la meel dhigay Falastiin oo muddo qarni ku dhow ay dagaallo ka socdaan.

"Waxa ka dhacaya dhinaca kale ee gidaarkan ma aha qalalaase u abuurmay si dabiici ah, laakiin waa dhibaato bini’aadam abuuray, ma dooneyno in Rafax noqoto Muqdisho oo kale,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka dalalka reer Yurub Josep Borrell.

Maalmo ka hor markii Josep Borrell uu hadalkan yidhi ayay madaxtooyada Soomaaliya shaacisay in khadka teleefoonka ay ku wadahadleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Josep Borrell, ayaa sidoo kale sanadkii 2022-kii booqasho ku tagay magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxda Soomaaliya oo Xasan Sheekh uu ugu horeeyo.

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxda dalalka Midowga Yurub, ayaa muujinaya sida ay dalalka reer Yurub uga quusteen Soomaaliya, oo ay ka taliyaan kooxaha argagixisadu.


     
Loading...