Madaxwaynaha iyo Golayaasha Qaranka JSL: Shacabka Somaliland Waa in loo Jiheeyaa Tabac iyo Wax-soo-saar

Wednesday June 25, 2025 - 14:43:06
hadhwanaagnews
Sidaasi awgeed waxa tusaale mucjiso ah u noqday Afrika Dalka,,



Caalamkan aynu ku nool nahay gaar ahaan qaaradan ILLAAHAY inagu uumay ee Afrika, waxay 70% dheefsataa midhaha dalagga Beeraha ee ka soo go’a qaaradaha Ameerika, Aasiya iyo Yurub.

 

Haddaba waxaan u soo jeedinayaa seddexda gole qaran iyo Hogaamiyaha Qaranka Somaliland oo ah Madaxwayne Dr. Cabdiraxmaan, waxaan ugu baaqayaa in idinka ooka go’aan qaadanayna xaaladaha wakhtigan ka taagan caalamka, waxaana lama huraan ah in shacabka Somaliland lagu jiheeyo tabaca Beeraha haddii ALLAH yidhaa.

 

Sidaasi awgeed waxa tusaale mucjiso ah u noqday Afrika Dalka Borkiinofasto oo laba sanno gudahood wax-soo-saarkiisii uu gaadhay inuu caawiyo dhowr dal oo Afrika ah.

 

Sidaasi darteed, waxaan leeyahay Hogaamiyaha Qaranka Somaliland Madaxwayne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxqabadka ugu wayn ee Shacabka Somaliland kugu xusuusan daanaan waxa ugu mudan wax soor inaad ku jihayso Qaranka Somaliland hadii ALLAH yidhaahdo.

 

Wixii Rag u Kaco Rabbina Aqbalo Way Rumoobaa: Markaa waxaan leeyahay Jaangoynta Qorshaha Qaranka ee sannadka 2026, waa in Xukuumaddu diyaarisaa hirgalinta himilada jihaynta wax-soo-saarka midhaha Beeraha. Hadii ALLAH yidhaahdo.

 

Wabilaahi Towfiiq Allah Mahad Leh

 

Qore Mowliid Aadan Cumar Hargaysa

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...