Madaxweynihii hore Jsl Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacabka Somaliland Fariin u diray.

Friday June 27, 2025 - 15:10:43
hadhwanaagnews
Waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah dhul Soomaali leedahay


Hambalyo Xuska Sannad-guurada 65-aad ee 26-ka June 1960-kii
Waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u dirayaa dhammaan shacabka JSL, meel kasta oo ay kala joogaanba, munaasibadda qiimaha leh ee 26-ka June 1960-kii, oo ah sannad-guuradda 65-aad ee ka soo wareegtay maalintii aynu xorriyadda ka qaadanay gumeystihii Ingiriiska.

Waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah dhul Soomaali leedahay halkii ugu horeysay ee xornimadeeda iyo gobonnimadeeda ka qaadata gumeystihii reer Yurub. Waa taariikh JSL cidna la wadaagin oo ay gaar u leedahay oo ku timid halgan dheer oo shacabka JSL ee xilligaa noolaa u galeen in ay helaan calankooda iyo gobonnimada dhulkooda.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu innagu simo innaga oo gaadhnay hadafyada waaweyn ee aynu leenahay, Qarankeena JSL-na ka mid noqdo Qarammada adduunka ee xorta ah ee ku naaloonaya nabad iyo badhaadhe adduun oo is-gaadhsiisan.
     
Loading...