Rwanda iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa caasimada Maraykanka ee Washington ku wada saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaada daran ee tobannaanka sano soo jiitamayay ee u dhaxaysay labada dal ee deriska ah, lagana yaabo in Maraykanka laga siiyo macdan faa'iido badan.
Heshiiska ayaa dhigaya qodobo ay kamid yihiin kala saarid, hubka dhigis iyo shuruudo ku xiran isdhexgal lagu sameeyo kooxaha hubaysan ee ka dagaalama Bariga dalka DR Congo.
Faahfaahinada dheeraadka ah ayaa kooban, waxaana horay u guul daraystay heshiisyadii nabadeed ee hore ee gobolka oo noqday kuwa fashilmay - haddana taasi kama aysan niyad jabin madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kongo inay tani u noqoto guul taariikhi ah.
"Maanta, rabshadaha iyo burburku waa dhamaad, gobolka oo dhanna wuxuu billaabay bog cusub oo rajo iyo fursad ah," ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Jimcihii.
Waxaa garab taagan madaxweyne ku xigeenka JD Vance, xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio, iyo wufuud ka kala socota DR Congo iyo Rwanda oo ku sugan xafiiska Aqalka cad, Trump ayaa heshiiska nabada ku tilmaamay "guul cajiib ah".
"Tani waa horumar aad u wanaagsan," ayuu yiri Trump, wax yar ka hor inta uusan saxiixin heshiiska nabadeed ee ay kala saxiixdeen wufuuda Afrikaanka ah.
Heshiiska waxaa labada dal u kala saxiixay Wasiirada Arrimaha Dibadda Congo iyo Rwanda, iyada oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
"Waa guul kale oo diblamaasiyadeed oo uu gaaray madaxweyne Félix Tshisekedi - hubaal waa tii ugu muhiimsanayd in ka badan 30 sano," .
Waxaa jiray hadal heyn kale oo ku aadan Tshisekedi iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ay u socdaan Washington si ay ula kulmaan Trump, inkasta oo aan la cayimin taariikhda.
Markii xiisadda labada dal ay cirka isku shareertay bilowgii sanadkan, Qadar waxa ay xoojisay dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda, sida uu sheegay diblumaasi ka hadlay wada xaajoodka.
Qadar ayaa ergo u dirtay labada caasimadood iyada oo ugu baaqday in xiisadda la dejiyo, ka dib markii madaxweynayaasha Congo iyo Rwanda ay ku kulmeen Doha, waxaa la dhisay guddi isku dhaf ah, oo uu taageeray Mareykanka, ayuu diblomaasiga hadalkiisa sii raaciyay.
Tobaneeyo sano oo colaad ah ayaa sare u kacday horraantii sanadkan markii fallaagada M23 la wareegeen qeybo badan oo ka mid ah bariga DR Congo oo ay ku jiraan caasimadda gobolka Goma, magaalada Bukavu iyo labo garoon oo diyaaradeed.
Kumanaan kun oo qof ayaa la dilay, boqolaal kun oo rayid ahna waa laga saaray guryahoodii ka dib markii ay dhawaan fallaagadu weerareen.
Kadib markii ay dhul badan lumisay dowlada Kinshasa waxa ay caawimaad u raadsatay Mareykanka, iyada oo la sheegay in ay siisay helida macdanta muhiimka ah si ay u hesho dammaanad amni. Bariga DR Congo waxa ay qani ku tahay coltan iyo kheyraadka kale ee muhiimka u ah warshadaha elektiroonigga ah ee caalamiga ah.
Rwanda waxa ay diiday in ay taageerto M23 inkasta oo ay jirto cadaymo badan, waxayna ku adkaysanaysaa joogitaankeeda milatari ee gobolka in ay tahay tallaabo difaac ah oo ka dhan ah hanjabaadaha kooxaha hubaysan sida FDLR oo ah maleeshiyaad fallaago ah oo intooda badan ka kooban qowmiyadda Hutu-ga ee lala xiriiriyay xasuuqii Rwanda 1994-kii.
Rwanda waxaa ay ku eedaysay dawladda Koongo inay taageerto jabhadda FDLR, taas oo ay iska diiday DR Congo. Joogitaankooda ayaa ah mid welwelka ugu badan ku haya Kigali.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, matalayaasha wadahadalka ee Congo ayaa gadaal ka riixayay in si degdeg ah looga saaro askarta Rwanda, laakiin Rwanda oo ugu yaraan 7,000 oo askari ay ka joogaan ciidda Congo waa ay diiday.
Hadal caro leh oo ka soo baxay maalin ka hor inta aan la saxiixin heshiiska, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda, Olivier Nduhungirehe, ku cambaareeyay "soo dusinta heshiis nabadeed oo qabyo ah" isagoo sheegay in Rwanda "ay ka dalbatay dhinacyada kale inay ixtiraamaan sirta gaarka ee wadahadalka".
Baaqa ah in guud ahaan ciidamada Rwanda laga saaro DR Congo ayaa ah qodobka ugu weyn ee la isku hayo.
Laakiin Nduhungirehe ayaa sheegay in aan lagu arki karin dukumeentiga meel ay kaga qoran tahay 'ciidamada Rwanda' ama 'ka bixitaan'.
Saacado ka hor xafladda saxiixa, xafiiska Tshisekedi ayaa sheegay in heshiisku "runtii uu dhigayo bixitaanka ciidamada Rwanda, laakiin ay door bideen ereyga ka bixida inay ka saaraan si fudud sababtoo ah 'kala-saarid' ayaa ah mid aad u ballaaran".
Ilaa iyo inta faahfaahinta heshiiska la saxiixay aan si rasmi ah loo shaacin, dhawr su'aalood oo muhiim ah ayaa weli jawaabo la'aan ah:
Ka hor inta aan la saxiixin jimcihii, afhayeenka xukuumadda Rwanda Yolande Makolo ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in "qaadista tallaabooyinka difaaca ee aagga xudduudahayaga" ay ku xirnaan doonto "baabi'inta" FDLR.
Mid ka mid ah dhinacyada ugu muhiimsan ee dagaalka maanta oo ah falaagada M23 ayaa ku dhalatay heshiis nabadeed 16 sano ka hor ah kaas oo ku guuldareystay in la xaqiijiyo in la burburintooda.
Sannadkii hore, khubarada Rwanda iyo Kongo ayaa laba jeer heshiis gaaray iyada oo Angola ay dhexdhexaadinays, waxaana looga hadlay ka bixitaanka ciidamada Rwanda ee DR Congo iyo hawlgallo wadajir ah oo ka dhan ah FDLR - laakiin wasiirrada labada waddan ayaa ku guul darraystay inay taageeraan heshiiska. Angola ayaa ugu dambayn isaga hartay dhexdhexaadinta bishii Maarso.
BBC/SOMALI