hadhwanaagnews
Maxkamadda Sare ee dalka UK ayaa diidday oggolaansho loo codsaday dacwad sharci oo lagu diidan yahay heshiiska ay dowladda Britain la gashay Mauritius, kaas oo la xiriira wareejinta madaxbannaanida jasiiradaha Chagos ee ku yaalla Badweynta Hindiya. Jasiiradahan waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Diego Garcia oo ay si wadajir ah u isticmaalaan Maraykanka iyo Britain.
Sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters, saddex dacwoode oo uu ka mid yahay Bertrice Pompe, oo ah muwaadin British ah kuna dhalatay jasiiradda Diego Garcia, ayaa mar kale dacwad gudbisay kadib markii Britain ay sanadkii hore ogolaatay inay madaxbannaanida jasiiradaha Chagos ku wareejiso Mauritius.
Heshiiskaasi wuxuu dhigaya in Britain ay sii haysan doonto gacan ku haynta saldhigga milatari ee istaraatiijiga ah ee Diego Garcia muddo 99 sano ah oo kiraysi ah, taas oo u oggolaanaysa Maraykanka inuu sii wato hawlgallada milatari ee halkaas ka socda.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bishii hore ku tilmaamay heshiiskaasi "qalad weyn”. Wuxuu sidoo kale si taban u barbar dhigay Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo hoggaamiyihii Britain ee dagaalkii labaad ee adduunka Winston Churchill, isaga oo ka hadlay taageerada xaddidan ee Starmer uu siiyay weerarradii Maraykanka ku qaaday Iran, kuwaas oo qaarkood laga fuliyay saldhigga Diego Garcia.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa difaacay go’aanka heshiiska, isaga oo sheegay in uu ku salaysan yahay sharciga iyo danaha qaranka.
Qareennada matalaya dacwoodayaasha, oo ay ku jiraan Misley Mandarin iyo aabbihii Michel Mandarin, ayaa ku dooday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ay si sharci-darro ah uga gaabisay inay la tashato dadka asal ahaan ka soo jeeda jasiiradaha Chagos, kuwaas oo doonaya inay dib ugu noqdaan jasiiradahooda.
Garsoore Mary Stacey ayaa qiratay in ay jirto "taariikh dheer oo ceeb leh” oo ku saabsan sida loola dhaqmay dadka deganaa jasiiradaha Chagos intii u dhaxaysay 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii, xilligaas oo si qasab ah looga raray si loo dhiso saldhigyada milatari.
Si kastaba ha ahaatee, garsooruhu wuxuu sheegay in dacwaddani ay dib u soo celinayso dooddo hore ay maxkamadaha Ingiriisku hore u diideen tobannaan sano ee la soo dhaafay. Qareennada dacwoodayaasha ayaa sheegay inay doonayaan inay racfaan ka qaataan go’aanka Maxkamadda Rafcaanka.
Bertrice Pompe ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: "Sidee ayay dowladdu habeenkii u seexataa?” isagoo muujisay caro iyo niyad jab ku saabsan go’aanka maxkamadda.