HADHWANAAGNEWS

Maamulka Degmada Maxamuud Haybe ee caasimadda Hargeysa ayaa kormeer ballaadhan sameeyay shalay illaa maanta, kadib markii roobabkii Gu’ga ay ka curtay magaalada.
Kormeerkan oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha degmada Ibraahin Xuseen, Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Mustafe Bidhaan, iyo Xoghayaha degmada Yacquub Cabdillaahi Cumar, ayaa diiradda lagu saaray nadiifinta waddooyinka iyo furidda biyo-mareennada xidhmay.
Shaqaalaha degmada iyo gaadiidka dawladda hoose ayaa si joogto ah uga shaqaynayay bannaynta jidadka waaweyn, gaar ahaan jidka Madaarka, iyo nadiifinta meelaha ay qashinku xidhay biyo-mareennada, taas oo sababtay in biyuhu si habsami leh u socon waayaan.
Masuuliyiintu waxay sidoo kale kormeer ku tageen xaafadda degsiimada cusub ee Iidaan (Masalaha), si ay u qiimeeyaan xaaladda ka dhalatay roobabka.
Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in hawlgalkani uu yahay mid lagu hubinayo in biyo-mareennadu aanay xidhmin, isla markaana laga hortago waxyeellada roobabka.
"Waxaanu ka shaqaynay in biyo-mareennadu furan yihiin, waxaanan uga digaynaa dadka inay qashin ku shubaan meelaha biyuhu maraan," ayuu yidhi.
Maamulka degmada ayaa sidoo kale soo saaray digniin adag, iyaga oo sheegay in cid kasta oo lagu qabto inay qashin ku daadiso biyo-mareennada laga qaadi doono ganaax iyo tallaabo sharci ah.
Hawlgalkan ayaa muujinaya dadaalka maamulka degmada ee ku aaddan ilaalinta bilicda magaalada, badbaadada shacabka, iyo ka hortagga dhibaatooyinka ka dhasha roobabka.

