"Afkaaga Caano Lagu Qabay"

Thursday May 07, 2026 - 03:33:01
hadhwanaagnews
"Cadowgu inta uu guul-guul kaa gooyo, galod kaagama gooyo."



Waxaan maqli jiray maahmaah tidhaahda:


"Cadowgu inta uu guul-guul kaa gooyo, galod kaagama gooyo.”


 

Dad badan ayaa hore u aaminsanaa in wareysiga Fathxiya uu noqon doono mid dhalinaya weerar iyo hadallo kulul, iyaga oo qaarkood sii hormarsaday afeef iyo dhaliilo ku saabsan diin iyo dhaqan.


 

Laakiin wax walba way is beddeleen markii wareysigii soo baxay.


 

Waxaa dadka hortooda timid haweeney hadalkeedu miisaan leeyahay, aftahanimo leh, aqoon badan akhriday, isla markaana si cad u rumaysan Alle iyo Rasuulkiisa. Waxay ahayd qof fahamsan xaqa uu Alle siiyay ragga iyo dumarka, ogna in khaladku aanu jinsi gaar ah lahayn, balse ay jiraan rag wanaagsan iyo kuwo xadgudba, sidoo kalena ay jiraan dumar wanaagsan iyo kuwo gef sameeya.


 

Hadalladeedu may ahayn qaylo ama xanaaq, balse waxay ahaayeen kuwo deggen, xikmad leh oo dhisan.


 

Taasi waxay beddeshay aragtiyo badan oo hore loo qabay.


 

Mararka qaar bulshada waxay qof ku xukuntaa warar ama saadaal aan xaqiiq ku dhisnayn, balse marka qofku hadlo oo fikirkiisa si miyir leh u cabbiro, sawirkii laga haystay ayaa gebi ahaanba is beddela.


 

Ugu dambayn, erayga ugu habboon ee lagu tilmaami karo hadalkaasi wuxuu noqday:


 

"Afkaaga caano lagu qabay.”

Ustaad Nasriin


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...