hadhwanaagnews

Guddida Dib-u-habaynta Waxbarashada Dadban, oo ay si wadajir ah u magacaabeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare, ayaa si rasmi ah u shaacisay bilowga xog-ururin qaran oo lagu diiwaangelinayo dhammaan xarumaha bixiya adeegyada waxbarashada dadban (Non-Formal Education) ee ka hawlgala dalka.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ayaa lagu sheegay in xog-ururintani ay qayb ka tahay qorshe lagu tayaynayo, dib-u-habaynayo laguna horumarinayo adeegyada waxbarashada dadban, si loo hubiyo in xarumahaasi u hoggaansamaan siyaasadaha, xeerarka iyo heerarka tayada waxbarashada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xogta la ururinayo ay gacan ka geysan doonto hagaajinta maamulka iyo kor u qaadista tayada adeegyada waxbarashada, iyadoo la xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo kormeerka xarumaha waxbarashada dadban.
Sidoo kale, dhammaan xarumaha bixiya adeegyada waxbarashada dadban ayaa lagu wargeliyey inay si buuxda ula shaqeeyaan guddida iyo kooxaha xog-ururinta, isla markaana bixiyaan xogta iyo macluumaadka looga baahan yahay, si hawsha diiwaangelintu ugu qabsoonto si hufan, waxtar leh oo waafaqsan qorshaha dib-u-habaynta waxbarashada dalka.