HADHWANAAGNEWS Paris / Mediterranean Sea – Dowladda France ayaa sii daysay markab shidaal oo lagu magacaabo Grinch kaddib markii shirkadda iska leh ay bixisay ganaax lacageed oo malaayiin yuuro ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Faransiiska. Markabkan ayaa la qabtay bishii Janaayo waxaana lagu eedeeyay inuu yahay qayb ka mid ah waxa loo yaqaano "shadow fleet” – shabakad maraakiib ah oo loo isticmaalo in lagu jebiyo cunaqabataynta lagu soo rogay shidaalka Ruushka.
Qabashada iyo Ganaax
Markabka Grinch ayaa ciidamada Faransiiska ku qabteen Badda Mediterranean-ka, iyada oo loo weeciyay dekedda Marseille-Fos, kadib markii laga shakiyay inuu ka qeyb qaadanayo gudbinta shidaalka laga soo saaro Ruushka iyadoo la jebinayo cunaqabataynta caalamiga ah ee ka dhan ah dhaqdhaqaaqa shidaalka Ruushka. Markabku waxa uu kasoo baxay dekedda Murmansk ee waqooyiga Ruushka isagoo hoos taga calanka Comoros, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Duqa arrimaha dibedda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa sheegay in markabka loo ogolaaday inuu ka baxo biyaha Faransiiska kaddib bixinta ganaax lacageed oo "malaayiin yuuro ah” iyo in uu muddo ku xirnaa dekedda muddo ku dhow saddex toddobaad. Waxa uu tilmaamay in jebinta cunaqabataynta laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo la marsiin doono culeys maaliyadeed, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu joojinayo maalgelinta dagaalka Ruushka.
"Shadow Fleet” iyo Cunaqabataynta
Waxaa la rumeysan yahay in shadow fleet ay ka kooban tahay kumanaan maraakiib ah oo duug ah, oo ay iska leeyihiin shirkado qarsoodi ah kana howlgala si ay uga leexiyaan cunaqabataynta reer Galbeedka ee lagu soo rogay shidaalka Ruushka, taasi oo qeyb ka ah cadaadis la saaray dhaqaalaha Moscow tan iyo duullaankii buuxa ee Ukraine. Maraakiibtan badanaa waxay adeegsanayaan calamo dhinacyo kale ah ama diiwaangelin aan sax ahayn si ay uga fogaadaan kormeerka caalamiga ah.
Warbixintan ayaa muujinaysa sida dalalka reer Galbeedku u adkeynayaan daba-galka maraakiibta iyo dhaq-dhaqaaqyada lagu tuhunsan yahay jebinta cunaqabataynta, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo sidii loo xoojin lahaa cadaadiska dhaqaale ee lagu saaro Ruushka si loo joojiyo maalgelinta dagaalka.