Maxay dadka maskaxda badani si dhakhso ah ugu caajisaan?

Friday July 04, 2025 - 10:21:25
hadhwanaagnews
Tani marka hore waxa ay kuu noqoni wax aad xiisayso,


Bal kasoo qaad marka aad wax kasta oo aad samayso ku fiican tahay. Ma jirto caqabbad kaa hor imanayso, had iyo goorna dhibcaha ugu fiican ayaa helaysaa, xitaa adiga oo aan isku dayin.
haddii aad waxbaranayso wixiiba hore ayaa kasii fahmaysaa.

Tani marka hore waxa ay kuu noqoni wax aad xiisayso, balse cabbaar kaddib , caajis wayn baa ku qabsani.
Ma jirto loolan. Ma jirto guuldarro . Hore ayaad kasii garanaysaa natiijada soo baxaysa. Noloshuna jid fudud ayaa ay kuugu socotaa.

Mararka qaar dadka garaadka badani, halkii ay ka caajisi lahaayeen , waxaa ay ka qaadaan iscajabin, maxaa yeelay, ma jirto wax ku adag oo ka hor imanayaa.

Garaadkan sare ee ay ku dhasheen , waxa uu ka dhigaa kuwo si fudud wax u xallin kara; xaallad kasta inay si fudud u fahmaan furdaaminteeda, sidaas awgeed, waxaa ay iska dhistaan aamminaad ah: inay noloshu dhammaanteed iska fududdahay , oo ayna ahayn wax qiimo leh oo la maalgashado!

Marka ay taasi dhacdana, ruuxdoodu way ku dhimataa. Garaadkoodii badnaa halkaa ayaa uu ku gaagaxaa.
Marka ay wax kasta si dhib yar u fahmayaan, waxa ay u arkaan in ayna jirin wax horusocod ihi; hadafkii uu lahaa, marka aannu ahayn mid "challenge" ku abbuuraaya, waxaa uu dareemayaa in aannu wax qiimo ah lahayn, wuuna ka caajisayaa. Wuxuu dareemayaa aannu jirin wax hadda u socda oo uu kusii dhiirrado wadiddiisa.

Haddaba, xalku muxuu yahay?

Waa inaad noloshaada xiiso u yeeshaa. Waa inaad maalgashataa. Waa inaad abbuurataa mashruucyo aad rabto inaad ka gungaadho. Waa inaad maalin kasta ka shaqaysaa oo deddaashaa. Maankaaga waa inaad carisaa. Maskaxdaada badan ku samee hala -abuur. Taasi waxaa ay kugu dhalinaysaa xamaasad, ma jireyso caajiskii ku qaban jiray.

Deddaal oo wax hore u wad. Mid marka aad dhammaysaba mid kale uga gudub. Haddii aad u aragtid wax iska fudud oo aan heerkaaga ahayn, illeen qof garaad badan baa tahee, si aannad ugu caajisin, waa inaad ka fikirtaa shayga heerkiisa kasii sareeya, ee aad uga sii dhaqaaqi karto.

Inta aad nooshahay, naftaada maalgasho oo wax badan bar oo wax badan qabo, oo ka faa'iidayso garaadkaaga badan, waxaa hubaal ah in aannad weligaa caajisayn.

Maxamed Haybe Axmed
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...