*Hordhac: Maxaa Laga Baran Karaa Japan?
Waa buug yar oo cilmiyeed ah oo si qoto dheer u eegaya xaaladda Soomaaliya, isagoo ka duulaya casharka Japan ee dib-u
-dhiska akhlaaqda dadweynaha ,
ka dib burburka dagaalka. Buuggan wuxuu leeyahay cutubyo kala duwan, tusmo,
iyo aragtiyo cilmiyeeed.
Buug Yar: Dib-u
-Dhiska Akhlaaqda Dadweynaha Soomaaliyeed.
*Tusmada Buugga:
1. Hordhac: Maxaa Laga Baran Karaa Japan?
2. Cutubka 1: Burburka Soomaaliya, Ma Daaraha Mise Dadka?
3. Cutubka 2: Akhlaaqda Soomaaliyeed , Taariikh iyo Talo .
4. Cutubka 3: Diinta Islaamka iyo Damiirka Dadka .
5. Cutubka 4: Dugsiyada iyo Tarbiyadda , iyo Meesha Dib-
u-dhisku Ka Bilaabmaayo
6. Cutubka 5: Siyaasadda iyo Akhlaaqda Hogaaminta
7. Cutubka 6: Dhaqaalaha iyo Daacadnimada Ganacsiga .
8. Cutubka 7: Bulshada iyo Wada Noolaanshaha .
9. Cutubka 8: Maxaa La Dhisi Karaa , Dadka Mise Dhismayaasha iyamaa horeeya?
10. Gunaanad: Dib
-u-dhiska Akhlaaqeed ee dadka Soomaaliyeed .
*Hordhac: Maxaa Laga Baran Karaa Japan?
Japan waxay burburtay dagaalkii labaad, laakiin waxay dib u dhistay dadkeedii. Akhlaaqda, nidaamka, iyo ixtiraamka ayaa noqday tiirarka horumarka. Soomaaliya waxay burburtay dagaal sokeeye, gumeysi, iyo musuqmaasuq.
Laakiin dib-u-dhiska waxaa lagu xoojiyay dhismayaal, halkii laga bilaabi lahaa dib-u-dhiska dadweynaha.
*Cutubka 1: Burburka Soomaaliya - Ma Daaraha Mise Dadka?
Dalka Soomaaliya wuxuu burburay, laakiin burburka ugu weyn wuxuu ku dhacay damiirka dadweynaha. Waxaa la dayacay akhlaaqda, ixtiraamka, iyo wada noolaanshaha iyo kala danbeynta.
Waxaa la isku dayay in la dhiso wadooyin, xarumo, iyo hay’ado, balse dadkii lama dhisin.
*Cutubka 2: Akhlaaqda Soomaaliyeed – Taariikh iyo Talo:
Soomaalidu waxay lahaan jirtay akhlaaq iyo dhaqan suuban: xushmad, martisoor, wadaag, iyo xeer. Laakiin colaadaha, qabyaaladda, iyo danaysiga ayaa dhaawacay akhlaaqdaas. Waxaa loo baahan yahay in dib loo xoojiyo damiirka bulshada oo dib loo dhiso.
*Cutubka 3: Diinta Islaamka iyo Damiirka Dadka .
Diinta Islaamka waxay u timid in ay dhamaystirto akhlaaqda suuban ee wanaagsan. Rasuulku (SCW) wuxuu ahaa tusaalaha ugu sareeya ee akhlaaqda. Soomaaliya oo 100% Muslim ah, waa in ay ka faa’iidaysato diinteeda si ay u dhisto dadkeeda.
*Cutubka 4: Dugsiyada iyo Tarbiyadda – Meesha Dib-u-dhiska Ka Bilaabmayo:
Dugsiyada waa in aysan barin oo keliya xisaab iyo cilmiga sayniska, balse ay xoogga saaraan:
- Akhlaaqda
- Ixtiraamka
- Nadaafadda
- Wada noolaanshaha
- Qadarinta dadka
- Kala danbeynta
- Dulqaadka
- isdhgeysiga.
*Cutubka 5: Siyaasadda iyo Akhlaaqda Hogaaminta:
Hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed waa in ay noqdaan kuwo leh:
- Daacadnimo
- Amaano
- Mas’uuliyad
- Xushmad
- Aragti fog
- Tusaale wanaagsan.
*Cutubka 6: Dhaqaalaha iyo Daacadnimada Ganacsiga:
Ganacsiga Soomaaliyeed waa in uu ku dhisnaado:
- Daacadnimo
- Amaano
- Cadaalad
- Xaqsoor
- Hal- -abuur
- Mas’uuliyad bulsho.
- Naxariis.
*Cutubka 7: Bulshada iyo Wada Noolaanshaha :
Bulshadu waa in ay dib u dhistaa:
- Isqadarin
- Iscafin
- Wadaag
- Nidaam
- Xeer bulsho.
*Cutubka 8: Maxaa Laga Dhisi Karaa – Dadka Mise Dhismayaasha?
Daaruhu waa muhiim, laakiin dad dhisan ayaa dhisa dhismayaal. Dadka dumay lama dhisi karo dhismo. Sidaa darteed, horumarka Soomaaliya wuxuu ku xidhan yahay dib-u-dhiska akhlaaqda suuban ee dadweynaha.
Gunaanad: Dib-u-dhis Akhlaaqeed oo suuban ee Soomaaliyeed.
Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay qaadato casharka Japan: in la dhiso dad, damiir, iyo akhlaaq. Diinta Islaamka, dhaqanka suuban, iyo waxbarashada ayaa noqon kara tiirarka dib-u-dhiska.
Haddii dadku dhismo, dalku wuu dhismayaa.
Baadhitaan: Cali Biixi