Itoobiya oo Maraykanka kala hadashay walaaca ay ka qabto ciidamada beddelaya howlgalka ATMIS

Sunday September 15, 2024 - 08:22:52
hadhwanaag
Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay ka hor dhacayso wax aan dhicin...

Itoobiya iyo Maraykanka


Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wali taagan iyadoo wadahadallada loo ballansan yahay wareeggii 3aad in dhawaan la isugu yimaado dalka Turkiga.

Khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yimid ka dib markii billowgii sanadkan ay Addis Ababa heshiis is af garad ah la saxiixatay Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, taas oo ay dowladda federalka Soomaaliya si weyn uga hortimid, muddo yar ka dibna ay heshiis amni iyo mid difaac la gashay dalka Masar.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay ka dib markii diyaarado ciidan oo ay leedahay dowladda Masar ay ka degeen magaalada Muqdisho sida ilo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen inay taageero militari geeyeen Muqdisho.

Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi amni xilli xiriirkoodu soo xooggaysanayey, khilaafka biyo xireenka Itoobiya ay dhistay ee Wabiga Niilna uu sii darsaday.

Itoobiya ayaa si weyn ugu hortimid in ciidamado ka socda Masar ay yimaadaan dalka la deriska ah ka dib markii ay soo baxday in Masar ay doonayso in ay qayb ka noqoto dalalka Soomaaliya ciidamada u soo diraya marka uu dhamaado hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

ergayga Maraykanka



Magaalada Addis Ababa waxaa gaaray wafdi Maraykanka ka socda oo uu hogaaminayo ergayga dowladda Marykanka u qaabilsan bariga Afrika Mike Hammer, kaasoo kulamo la qaatay madaxda dalkaasi.

Ergayga Maraykanka ayaa kulan la qaatay wasiirka arrrimaha dibadda ee Itoobiya ambasador Taye Atske-Selassie.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, dhinacyada ayaa ka wada hadlay nabada iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayey wasaaraddu sheegtay inuu hoosta ka xariiqay in Itoobiya u baahan tahay in laga taxadaro ciidamada loo daabulayo Soomaaliya ka dib howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa waqtigiisu ku egyahay Dhammaadka sanadkan 2024, halka sida dowladda Soomaaliya sheegtayna la filayo in howlgalka cusub ee beddelaya kii hore uu bilaaban doono horraanta sanadka soo socda ee 2025-ka.

Wakaalada FANA oo soo xiganaysa wasaaradda arimaha dibadda ayaa sheegtay in wasiir Taye uu sheegay in dalkiisu doonayo in la yareeyo xiisadda ka taagan gobolka.

Lama sheegin faahfaafin intaa dheer oo dhinacyadu ka wada hadleen balse ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika ayaa socdaalkiisa gobolka wuxuu ku soo beegmay iyadoo xiisaddi ka dhextaagan tahay dalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxamed Mukhtaar oo falanqeeye arrimaha gobolka ah ayaa BBC-da u sheegay in Itoobiya ay doonayso inay "culayska gudaheeda ka jira dunida uga weeciso xiisadda ka jirta gobolka" oo sida uu sheegay "ay iyadu abuurtay".

Mukhtaar, wuxuu sheegay in ujeedada ugu weyn ee ergayga Maraykanka ee Bariga Afrika uu u tagay Addis Ababa ay tahay sidii dowladda Itoobiya uu ugula hadli lahaa dhaqangalinta heshiiskii Pretoria ee dhexmaray Tigray iyo dowladda Itoobiya.

‘‘Waa dareemi kartaa Itoobiya waxay marwalba duraysaa xiriirka isku soo dhawaanshaha Masar iyo Soomaaliya kaasoo ay u aragto inuu iyada dhib ku yahay, taasna inay walwal ka qabto ma aysan qarin.”ayuu yiri Mukhtaar.

Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay ka hor dhacayso wax aan dhicin "Balse ereyga ah ciidamado lagu soo dal dalayo kaa ayaad mooddaa eray aan meesha qaban, sababtoo ciidan la keenay hadda oo jooga soomaaliya, oo waddamo kale ka yimid oo ay qaramada midoobay ogoshahay ma jiraan” ayuu yiri.

Falanqeeye Mukhtaar, wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya uu Maraykanka kala hadlay "wax aan ajandaha ugu jirin ergayga, uuna doonayo inuu mushaakilka dalkiisa ka dhex jira ku qariyo xurgufta kala dhaxaysa Soomaaliya".

Howlgalka beddelaya ATMIS

SOOMAALIYA

Howlgalka Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo ATMIS, ayaa shaqadiisa Soomaaliya waxay ku egtahay 31 bisha Disembar ee sanadkan sida dowladda Soomaaliya ay shaacisay.

Sida ay dowladda Soomaaliya sheegtayna howlgal cusub ayaa beddeli doona kii hore, kaas oo loogu yeeray AUSOM, basle howlgali doona sanadka soo socda sida hore uu u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Howlgalka cusub ayaa qorshayashiisa la gudbin doonaa bisha Oktoobar ee sanadkan iyadoo la filayo in Soomaaliya iyo Midowga Afrika labaduba u gudbin doonaan Qaramada Midoobay sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ah wasiir hore, arrimaha gobolkana ka faalooda.

Mukhtaar, wuxuu sheegay in intaa ka hor aysan kala caddayn qorshaha, qarashka iyo dalalka ka qaybta ka noqonaya howlgalkaas toona.

Dhawaan ayey ahayd markii Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey Muqdisho uu sheegay inaysan jirin ciidamo ay Soomaaliya dalbatay.

‘‘Dowlad na waydiisatay oo dhahday ciidan baan keensanayaa Soomaaliya ma jirto, sideedaba maba jirto nama waydiisan, laakiin xaq baan u leenahay haddaan Soomaali nahay waddan madaxbannaan baan nahay haddaan dowlad kale oo carbeed u tagnay oo aan dhahnay iyagana war ma na caawinaysaan oo ay dhaheen waa idin caawinaynaa micnaheedu maha inaan dowlad kale ku duulayno macnaheedu maha inaan ciidamo ay leeyihiin soo rarno oo Soomaaliyo keenayno” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Laba wareeg oo wadahadallo la doonayey in lagu xalliyo xurgufta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan natiijo laga gaarin, waxaana loo ballansan yahay in mar kale ay labada dhinac ku laabtaan Ankara todobaadkan si loo ambaqaado xalka khilaafka.


Isha Bbc/somali

     
Loading...