DEG DEG Itoobiya Oo Madaxda Faransiiska kala Hadashay Heshiiskii Is-afgarad Ee Somaliland la gashay.

Wednesday September 18, 2024 - 16:33:36
hadhwanaagnews
Wasiir Taye Atske-Selassie, wuxuu tilmaamay in maadaama
May be an image of 3 people, dais and text

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske-Selassie, ayaa si joogto ah madaxda iyo masuuliyiinta dunida ee uu la kulmo kala hadla heshiiskii is afgarad ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske-Selassie, oo la kulmay madaxa baarlamaanka Faransiiska u qaabilsan saaxiibtinimada Faransiiska iyo Geeska Afrika, Senator Hugues Saury oo booqasho ku tagay addis ababa, ayaa kala hadlay ahmiyadda ay leedahay inay Itoobiya kaddin ka hesho badda.

Wasiir Taye Atske-Selassie, wuxuu tilmaamay in maadaama oo dhaqaalaha Itoobiya aad u kobciyo ay muhiim u tahay inay marin baddeed ku hesho maslaxad wadaag ku dhisan wax isweydaarsi nabadgelyo ah.

Somaliland iyo Itoobiya, ayaa horaantii sannadkan kala saxeexday heshiis la xidhiidha in Somaliland ay 20km oo xeebteeda ah ka kirayso Itoobiya, si ay uga samaystaan saldhig millatari oo badda ah, halka Itoobiyana uu heshiisku jidaynayo inay noqdaan dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Heshiiska isfaham (MoU) ayaa labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya sheegeen inuu dhammaystiran yahay farsamo ahaan, isla markaana dhawaan la hirgelin doono fulintiisa marka labada waddan si rasmi ah qalinka ugu duugaan.
     
Loading...