Dowladda Turkiga Oo War cusub kasoo Saartay Wadahadallada Somalia iyo Itoobiya

Thursday September 19, 2024 - 15:47:29
hadhwanaag
Waxa uu sheegay wasiirka in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya...
May be an image of 1 person, beard and newsroom


Dowladda Turkiga ayaa mar kale ka hadashay wadahadallada u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaa oo xal loogu raadinayo khilaafka xooggan ee ka dhashay heshiiskii Abiy Axmed la saxiixday Madaxweynaha Somaliland.

Wadahadallo laba wareeg ah oo horey dalka Turkiga ugu yeesheen wasiirro matalayay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiyaa , ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobada qaar ee laga wada hadlayay.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda Turkiga Hakan Fidan oo wakaaladda Anadolu la hadlay, ayaa sheegay in ay wali sii wadayaan dhax dhaxaadinta dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uuna sheegay in xiriiro la sameyn doonaan madaxda labada dal.

Waxa uu sheegay wasiirka in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya la sameenayaan xiriir heer wasiir iyo kuwa madaxdeeda, waxa uuna rejo ka muujiyay in markan isku soo dhawaadaan xalna loo helo khilaafka xooggan ee labada dal u dhaxeeya.

"Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda Turkiga Hakan Fidan , ayaa sheegay in casharo ka barteen wadahadaladii labadii wareeg ee hore , waxa uuna xusay in markaan filayaan in natiijooyin wax ku ool ah kasoo baxaan wadahadallada kale.
     
Loading...