Dalalka saaxibada Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Juballand.
War-saxaafadeed wadajir
ah oo ay soo saareen dalalka Belgium, Jabuuti, Finlad, Jarmalka, Talyaaniga,
Boqortooyada Sacuudiga, Qadar, Ruushka, Spain, Switzerland, Sweden, Turkiga,
Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka iyo urrurro ay kamid yihiin Urur-Goboleedka
(IGAD), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) , ayaa waxay ku sheegeen, inay ka
walaacsanyihiin khilaafka cirka isku shareeyay ee u dhaxeeya dowladda
federaalka iyo Jubaland, kadib kulankii dhowaan u qabsoomay Golaha Wadatashiga
Qaran.
Waxaan ku boorrineynaa
dhammaan saamilayda inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo
ku saabsan hannaanka doorashada, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Jubaland ayaa lagu
booriyay inay dib ugu laabato shirka golaha wadatashiga qaran, si bay
yiraahdeen wadahadal furan looga yeesho dhamaan arrimaha taagan, loona soo
celiyo xirriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka.
Dhinacyada ayaa sidoo
kale lagu booriyay, inay joojiyaan xiisad-abuurka oo ay dib ugu bilaabaan
wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socod kasta ee
doorasho.
Saaxiibada Caalamku
waxay sheegeen inay tageeersanyihiin horumarinta ajendaha dawlad-dhisidda
Soomaaliya, oo ay ku jiraan hamiga loo qabo in si hore-u-socod leh loogu gudbo
doorasho qof-iyo-cod ah iyadoo loo marayo nidaamyo doorasho oo loo dhanyahay.