Dad aan faham ka haysan deegaankan in soomaali wada leedahay...
Xafiiska Nabadgalyada deegaanka oo war cusub iyo awaamiir ka soo saaray dhacdadii deegaanka dacawalay ka dhacay, sidoo kalena sheegay mowqifka dowladda. Xafiisku waxa uu sheegay inay jiraan xoogag qayb ka ah ama si uun u dhiirigalinaya dablayda hubaysan ee ciidanka booliska deegaanka weerarka ku soo qaaday, kuwaas oo ujeeddooyin kala duwan leh. Xafisku waxa uu sheegay in albaabada hay'adaha amnigu u furan yihiin cid kasta oo tabasho qabta, rabtana inay si nabadgelyo ah u soo gudbisato.
"Actors ka danaynaya in uu iska horkeeno kana faa'idaysto isku dhaca dad shacab ah iyo dawladda;
1. Kooxda argagaxisada ah ee alshabaab: oo iyagu ka soo saaray qoraal ay ku dhiiri galinayaan in la la dagaalamo ciidamada dawladda, si ay fursad ugu helaan in xubnahoodu soo galaan dalka Itoobiya iyaga oo gabbaad ka dhiganaya qabiil.
2. Dad aan faham ka haysan deegaankan in soomaali wada leedahay ciidankuna yahay ciidan soomaaliyeed oo haddii ay 10 Askari oo deegaan ka ah meel ku dhintaan, aysan jiraynin 5 isku hayb ah ee ay ka wada kooban yihiin dhamaan dadka ku nool deegaanka ee soomaaliyeed.
3. Dadyaw ay madax martay qabyaaladdu, kuwaas oo aan lahayn damiir, waana kuwa aan dan ka lahayn wada noolaanshaha bulshada.
4. Dadyaw ku qadhaabta ama dhaqaale ku uruursada inay dagaal iyo difaac ugu jiraan danaha qabiilka Iwm, kuwaas oo faldanbiyeed walba oo dhaca ka dhexraadsada dheef iyo macaash, una furta 'Whatsup groups iyo cinwaano baraha bulshadda ah, si ay ugu faafiyaan ficiladooda ka dhanka ah xasiloonida iyo nabadgelyada'.
Mawqifka Dawladda ee ku aadan sugidda amniga shacabkeeda iyo ilaalinta xuduudaha dalka iyo deegaanka:
1. Dawladda deegaanka waxaa waajib dastuuri ah ka saaran yahay sugitaanka amniga bulshada iyo xuduudaha dalka iyo deegaanka.
2. Dhaqdhaqaaq walba oo koox ama jabhad hubaysan ah kana soo horjeedda wada noolaanshaha bulshada iyo nidaamka dawladeed in ayna ka dhax dhaq-dhaqaaqi Karin gudaha deegaanka.
3. In dawladdu ay kala shaqaynayso Cid walba oo nabad kuwada noolaanshaha bulshada ka shaqaynaysa sida; waxgaradka, culimada, aqoonyahanka, dhalinyarada, dumarka iyo sidoo kale dawladaha aan dariska nahay ee aan wadaagno dadka iyo darisnimada sida soomaaliland, oo aan uga mahadcelinayno, dadaalada wada shaqayneed ee horay iyo haddaba naga dhaxaysa taas oo sal u ah nabad ku wada noolaanshaha, labada bulsho ee walaaha ah.
4. Waxa ay dawladdu si dhab ah u baadhi doontaa shaqsi walba oo sabab u ahaa iyo mid qayb ka ahaa, dhacdooyinkii ka dhacay dhulka u dhexeeya degmooyinka xarshin iyo yoocaale ee gobolada Jarar iyo Faafan.
5. Cidwalba oo cabasho ka qabta wax kasta oo la xidhiidha, helitaan cadaaladeed ama mid xuquuqeed, waxa u furan albaabada hay'adaha dawladda inuu keen sado tabashada uu qabo, hab nabadgelyo ah.
Ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa bulshada ku dhaqan deegaanka soomaalida iyo Dadyawga soomaaliyeed ee daris ka ah ba in aan ilaashanno nabadda iyo wada noolaanshaha, iskana ilaalino ururrada iyo ashkhaasta xagjirka ah, ee doonaya ama ka macaashaya kala gaynta iyo isku dirka bulshada.